NAXDIN Cole Palmer Oo Kaftanka Ka Xiray Taageerayaasha Chelsea Kadib War Naxdin Leh Oo Inbadan La Qarinayay Uu Bannaanka Keenay
Xiddiga Chelsea, Cole Palmer, ayaa si cad u sheegay in kooxdiisu aysan hadda isku arkin kuwo u tartamaya hanashada horyaalka Premier League. Waxa uu sidaas ku sheegay waraysi uu siiyey warbaahinta, isagoo hoosta ka xarriiqay in xilli-ciyaareedkan uu yahay kii ugu horreeyey ee tababare Enzo Maresca uu hogaamiyo kooxda.
Palmer ayaa yiri: “Waan sheegnay taas… ma nihin kuwo u tartamaya horyaalka. Waa xilli-ciyaareedkeennii ugu horreeyay ee uu Maresca na maamulayo.”
Weeraryahanka da’da yar ayaa tilmaamay in Chelsea ay weli ku jirto marxalad dhisme ah, iyadoo tababaraha cusub uu isku dayayo inuu dhiso qaab ciyaareed joogto ah oo kooxda u horseedi kara guulo waaweyn mustaqbalka.
Chelsea, oo xilli ciyaareedkan bandhigyo isdaba joog ah laheyn, ayaa wali isku dayaysa inay si fiican ula qabsato isbeddelka dhanka tababarka iyo nidaamka ciyaarta ee uu keenay Maresca. Inkasta oo ay jiraan guulo muhiim ah oo ay gaareen xilli ciyaareedkan, haddana Palmer ayaa aaminsan in rajada ku saabsan hanashada horyaalka aysan hadda ahayn mid dhab ah.
Visitor comments ( 0 )