CHAMPIONS: Xulka Brazil Oo Markii Sagaalaad Ku Guulaystay Copa America, Peru Oo Guuldaro Kale La Baday Iyo Gabriel Jesus Oo Xumaan Iyo Samaan Kulmistay.

0
160

Xulka qaranka Brazil ayaa markii 9-aad ku guulaysatay tartanka koobka Copa America kadib markii ay guul 3-1 ah ka gaadheen Peru. Inkasta oo 20 kii daqiiqo ee ugu danbeeyay uu xulka Brazil ku ciyaarayay 10 ciyaartoy kadib markii Gabriel Jesus kaadhka cas loo taagay haddana waxay awoodeen in ay guusha sii xejisteen.

Brazil ayaa markii shanaad ku guulaystay Copa America iyada oo dalkoodu marti galinayo laakiin wali waxay aad uga danbeeyaan rekoodha Uruguay ay 15 jeer koobkan ugu soo guulaysteen iyo waliba Argentina oo ay koobkan ka reebeen oo 14 jeer iyaguna ku soo guulaystay.

Xulka Brazil oo waqti dheer ka maqnaa ku guulaysiga Copa America ayaa ugu danbayn ka baxay abaartii koob la’aanta ahayd ee ay tartamada oo dhan kaga soo jireen.

SHIXIHII LABADA XUL EE KULANKAN:

PERU (4-2-3-1): Pedro Gallese; Luis Advincula, Carlos Zambrano, Luis Abram, Miguel Trauco; Renato Tapia, Yoshimar Yotun; Andre Carrillo, Christian Cueva, Edison Flores; Paolo Guerrero.

Kaydka: Patricio Alvarez, Carlos Caceda, Cristofer Gonzales, Josepmir Ballon, Jesus Pretell, Anderson Santamaria, Alexander Callens, Miguel Araujo, Raul Ruidiaz, Andy Polo, Aldo Corzo.

BRAZIL (4-2-3-1): Alisson; Dani Alves, Marquinhos, Thiago Silva, Alex Sandro; Arthur, Casemiro; Gabriel Jesus, Philippe Coutinho, Everton; Roberto Firmino.

Dalka marti galinayay tartanka Copa America ee Brazil ayaa doonayay in ay markii shanaad oo koobkan dalkooda lagu qabanayo in ay ku guulaystaan iyaga oo Copa America ku soo guulaystay sanadihii isla wadankoodu uu marti galiyay ee 1919, 1922, 1949 iyo 1989.

Kaydka: Allan, Filipe Luis, Ederson, Miranda, Richarlison, Fernandinho, Eder Militao, Fagner, Cassio, Willian, Lucas Paqueta, David Neres.

Daqiiqadii 15 aad xulka qaranka Brazil ayaa dhul gariir ka abuuray Maracana kadib markii ay heleen goolka furitaanka kaas oo uu dhaliyay Everton Soares kadib markii uu banaan ka helay difaaca Peru isla markaana uu Gabriel Jesus uu caawinta goolkan soo sameeyay.

Jamaahiirta xulka qaranka Brazil ee soo buux dhaafiyay Maracana ayaa farxadii ay doonayeen ciyaarta ugu bilawday waxayna wali xulka Brazil sii ahaayeen kuwa goolka labaad laga filan karayay.

Laakiin xulka Peru ayaa ku niyadjabin goolka looga naxsaday waxayna dagaal ugu jireen qaabkii ay ciyaarta ugu soo laaban lahaayeen.

Daqiiqadii 41 aad Rekoodhe! Xulka Peru ayaa ugu danbayn ciyaarta saamayn ku yeeshay waxaana lagu abaal mariyay rekoodhe kadib markii uu Thiago Silva gacan u adeegsaday kubbad la xerada ganaaxa Brazil lagu soo karoosay.

Daqiiqadii 44 aad xulka Peru ayaa keensaday goolkooda barbaraha kadib markii uu Guerrero awooday in uu jahada qaldan u diray goolhaye Alisson Becker kaas oo goolkii ugu horeeyay looga dhaliyay Copa America waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1-1 ah.

Daqiiqadii 45+3 aad xulka Brazil ayaa keensaday goolka labaad ee ay ku awoodeen in hogaanka ciyaarta ay la soo nastaan waxaana goolkan u saxiixay Gabriel Jesus oo caawinta goolkii kowaadna sameeyay balse markan waxa uu gacan caawineed ka helay Arthur Melo.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay xulka Brazil oo 2-1 hogaanka ciyaarta ku hayay balse aanu xulka Peru quusan maadaama oo ay hal mar ciyaarta dib ugu soo laabteen.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta xulka Brazil ayaa raadinayay goolka saddexaad si ay kalsooni buuxda hogaanka ugu heli karaan laakiin Peru ayaa wali sugayay fursadooda si ay ciyaarta mar labaad ugu soo laabtaan.

Daqiiqadii 70 aad xulka Brazil ayaa naxdin la kulmay kadib markii kaadhka cas loo tagay Gabriel Jesus kaas oo laba kaadh oo digniin ah qaatay, waxaana iyada oo ciyaarta 20 daqiiqo ka hadhsan yihiin xulka Brazil lagu soo yareeyay 10 ciyaartoy.

Daqiiqadii 75 aad tababare Tite ayaa ka falceliyay dheeli tirnaan la’aanta xulkiisa ku timid wuxuuna ciyaarta ka saaray Roberto Firmino wuxuuna soo galiyay Richarlison kaas oo uu arkay in uu dhiig cusub u noqon karo xulkiisa isla markaana uu awood khadka dhexe kaga shaqayn karo maadaama oo ayna waqtigan weerar gool dhalin u baahnayn.

Laba daqiiqo kadib Tite waxa uu sidoo kale xulkiisa difaac ahaan ugu soo xoojiyay Éder Militão waxaana ciyaarta laga saaray Philippe Coutinho oo aan raacashada kubbada ku fiicnayn.

Daqiiqadii 87 aad rekoodhe! Xidiga goolka kowaad Brazil u dhaliyay ee Everton ayaa rekoodhe ugu guulaystay xulkiisa waqti aad muhiim u ah kadib markii Zambrano lagu ciqaabay in uu xidigan qalad ku galay waxayna taasi keentay in garsooruhu uu si toos ah rekoodhe u tilmaamay.

Daqiiqadii 90 aad xidiga badalka ku soo galay ee Richarlison ayaa xulkiisa Brazil u dhaliyay goolka saddexaad ee ay sida rasmiga ah guusha ugu hubsadeen iyada oo Richarlison aanu wax qalad ah ka samayn rekoodhaha uu xulkiisa u tuuray.

Ciyaarta ayaa noqotay 3-1 wuxuuna si rasmi ah goolkani u soo gaba gabeeyay rajadii soo laabasho ee uu xulka Peru ku taamayay waxayna Brazil ka dul qaaday shakigii iyo walalkii hadheeyay tan iyo markii uu Gabriel kaadhka cas qaatay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 uu xulka Brazil ku garaacay Peru isla markaana ay ugu guulaysteen koobka ay marti galiyeen ee Copa America.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here