Wargeyska Ugu Xog Ogaalsan France Ee L’Équipe Oo Dhinac U Riday Arrimaha Mustaqbalka Neymar Ee PSG – Miyuu Ka Farxiyay Barcelona Mise ?

0
308

Wargeyska L’Équipe oo ah midka inta ugu badan wararka lagu kalsoon yahay kasoo saara kubadda cagta France ayaa maanta boggiisa hore kusoo daabacay warbixin uu kaga faaloonayo arrimaha Neymar JR iyo kooxdiisa Paris Saint-Germain.

Haddiiba magaalada Paris dunidu u aqoonsatahay magaalada jacaylka waxay markan isku rogi kartaa magaalada furiinta iyo kala taga maadaama oo Neymar uu kasii jeedo kooxdiisa.

L’Equipe ayaa boggiisa cinwaan uga dhigay ‘Le Grand Bluff’ oo la micno ah “Beentii weyneyd” waxaana uu kaga faaloodday xaalada haatan ee 27 jirka iyo sida uusan ugu xasiloonayn PSG.

“Intaa wax ka badan maaha wax sir ah inuusan ku faraxsanayn Paris inkastoo ay jirto fursad uu diyaargarawga (Xilli ciyaareedka dambe) kula bilaabayo PSG” Ayaa lagu yidhi L’Equipe.

Warkaas ayaa ah mid farxad weyn u ah kooxdiisii hore ee Barcelona oo iyadu u muuqata mida keli ku noqotay rabitaanka Neymar wararka qaarna ay sheegayaan inay heshiiska shaqsiga ah la gaadheenba.

Barcelona ayaa markii hore la sheegay inay cadaadis saareen Neymar maadaama oo uu laba sano kahor qaab xun kaga tagay balse shuruud kasta oo bahdilaad ahayd oo ay ku xidheen ayuu aqbalay sida ay wararku sheegayan.

Wargeyska Sport ayaa dhawaan sheegay in Neymar uu maamulka sarre ee Paris Saint-Germain u sheegay inuusan kooxdooda mar dambe matali doonin waana hadal lid ku ah L’Equipe ee ah inuu tababarka la bilaabi karo dhawaan.

Iyadoo ay waxkasta ku xidhnaan doonaan go’aanka uu gaadho xiddigani ayaa la filayaa in go’aan kasta oo uu kasoo saaro haddii uu kulamada xilli ciyaareedka ka horreeya PSG kala qayb galayo ay saamayn yar ku yeelan karto mustaqbalkiisa.

Ugu dambayn, Haddii uu fududaaday heshiis dhex maray Barcelona iyo Neymar waxaan marnaba sahlanaan doonin is faham labada kooxood ka dhex dhasha iyadoo laga war qabo dagaaladii suuqa ku dhex maray sanadihii ugu dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here