SUUQA: Man United oo kasii tashaneysa Paul Pogba & xiddiga ay badalkiisa la dooneyso oo la ogaaday.

0
282

Man United ayaa lagu soo warramayaa iney ka tashaneyso Paul Pogba oo aad loola xiriirinayo Real Madrid, waxeyna u dhaqaaqi doonaan Saul Niguez hadii ay lumiyaan xiddigooda ugu muhiimsan.

Xiddiga reer France ayaa doonaya inuu isaga guuro garoonka Old Trafford xagaagan, Los Blancos ayaana si weyn u quuldareyneysa iney xiddigaan la mideyso Zinedine Zidane.

Shabakadda AS ayaa baahisay in Red Devils ay durba sii qorsheyneyso iney noolaato la’aanta Paul Pogba, waxeyna markaan duulaan kusoo qaadeysaa kooxda Atletico Madrid iyadoo ka dooneysa Saul Niguez.

Si kastaba kooxda shayaadiinta cas-cas ayaa wajahi karta xaalad adag maadaama Los Rojiblancos ay lacago badan duldhigeyso hadiiba ay lumineyso.

Atletico uma sahlana iney lumiso xiddig muhiim ah walow la aaminsan yahay in Antoine Griezmann ay lumiyeen kaas oo la filayo inuu maalmaha soo aadan dhameystiro ku biiritaanka Barcelona.

Dhanka kale Red Devils waxey isha ku heysaa Bruno Fernandes oo ka tirsan Sporting Lisbon, isbuucyada soo socda ayaana la filayaa iney wax walba kala cadaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here