Aubameyang, Fekir, Ozil, Umtiti, Neymar, Pogba, James & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibisga.

0
504

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo ay kooxaha reer yurub haatanba bilaabi doonaan sidii ay ugu dhaqaaqi lahaayeen xiddigaha ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxdooda xilli ciyaareedka dambe.

Kooxaha kala duwan ee yurub ayaa wadahadalo la furi kara xiddigaha iyo waliba kooxaha ay ka doonayaan si ay u dhamaystiraan adeegooda

Hadaba waxa aan qaab maalin kasta ah kooxda.com idiinku soo gudbin doonaan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wax masuul ah ka ahayn wararka hoos ku qoran laakiin aanu ka soo xiganay wargaysyada ku hor xusan.

Weeraryahanka Kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ogolaaday in uu ku biiro kooxda Man United inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan (Tuttosport).

Madaxweynaha kooxda Lyon ee Jean Michel Aulas ayaa sheegay in koox uuna magacaabin wadahalado kagala jiro saxiixa Nabil Fekir (RMC).

Kooxda Barcelona ayaa xiddiga khadka dhexe ee Ivan Rakitic ku riixaysa in uu isaga tago kooxda xagaagan (ESPN).

Xiddigaha Kooxda Chelsea ee Marcos Alonso & Davide Zappacosta ayaa kooxdooda chelsea ku riixaya in ay isaga tagaan kooxda ka hor inta uuna bilaaban xilli ciyaareedka cusub (Star).

Kooxaha Man United iyo Man City ayaa isku baacsanaya saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Hoffenheim Ilay Elmkies (The Sun).

Kooxda Man United ayaa doonaysa in dhamaystirto saxiixa xiddigaaha James Maddison & Sean Longstaff isla marka ay ku dhawaaqdo saxiixa Aaron Wan-Bissaka (Times).

Xiddiga bartilmaameedka u ah kooxda Arsenal ee Dan-Axel Zagadou ayaa kooxdiisa Borussia Dortmund u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda si uu ugu biiro Arsenal (Mirror).

Kooxda Borussia Dortmund ayaa lacag dhan 27 milyan oo euro dul dhigtay xiddiga khadka dhexe ee Julian Weigl xilli ay Gunners la socoto xaalada xiddiga (Mirror).

Tababaraha Kooxda Real madrid ee Zinedine Zidane ayaa doonaya in uu kooxdiisa ku soo daro hal xiddig oo khadka dhexe ah isaga oo midkood u dhaqaaqi doona xiddigaha Christian Eriksen, Donny van de Beek ama Tanguy Ndombele (Mundo Deportivo).

Mesut Ozil ayaa sii joogi doona kooxda Arsenal xilli ciyaareedka dambe kadib markii ay Arsenal u wayday koox iibsata (Mail).

Kooxda Man United ayaa ka fiirsanaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Barcelona ee Samuel Umtiti (Mundo Deportivo).

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Monaco iyo xulka qaranka Senegal ee Keita Balde (Le 10 Sport).

Kooxda Atletico Madrid ayaa ka fiirsanaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee ymaker James Rodriguez (Cadena SER).

Kooxda Man United ayaa todobaadkan go,aan ka gaadhi doonta in ay u dhaqaaqi doonto daafac cusub xagaagan iyo in kale (Manchester Evening News).

Xiddiga khadka dhexe ka ciyaara ee Adrien Rabiot ayaa u muuqda mid noqon doona xiddig Juventus ah (Mail).

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday fursad uu kula saxiixan karo xiddiga khadka dhexe ee Youri Tielemans (DH).

Xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba ayay ka go,antahay in uu wax walba u sameeyo sidii uu uga tagi lahaa kooxda Man United xagaagan (Tuttosport).

Kooxda Juventua ayaa Gonzalo Higuain u soo bandhigtay Roma inkasta oo uu doonayo in uu sii joogo kooxda chelsea (Corriere dello Sport).

Kooxaha Inter Milan iyo Ac Milan ayaa bartilmaameedsanaya xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Barcelona ee Arturo Vidal (Mundo Deportivo).

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa ogolaaday in uu heshiis 5 sano ah u saxiixo kooxda Barcelona (Sport).

Kooxda PSG ayaa dhigeeda Barcelona u sheegtay in ay bixiso ugu yaraan lacagtii ay kagala soo saxiixatay Xiddiga hadii ay doonayso in ay dib u hesho (Sport).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here