Waa Maxay Sababtii Uu Ousmane Dembélé U Daawanayay Kulankii Algeria & Senegal Ee Koobka Africa?

0
479

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Barcelona iyo xulka qaranka France ee Ousmane Dembélé ayaa xalay joogay garoonkii uu ka socday kulankii dhex marayay xulalka Algeria iyo Senegal ee ka tirsanaa wareega Group-yada koobka qaarada Africa.

Xulka Qaranka Algeria ayaa guul 1/0 ah ka gaadhay xulka Senegal kulan xiiso lahaa oo ay labada xul soo bandhigeen si ay u gaadhaan guul kulankooda 2-aad ee koobka Africa.

Sababta oo Ousmane Dembélé u daawanayay ciyaarta ayaa ahayd in uu taageero siiyo wadanka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo ee Senegal oo uu u dhashay inkasta oo uu ku bar-baaray dalka France.

Xiddiga Ousmane Dembélé ayaa dhashay 15 bishii May 1997 waxana uu ku dashay dalka Senegal laakiin waxa uu ku soo bar-baaray dalka France oo uu markii dambe doortay in uu matalo.

Xiddiga ayaa haatan ku jira fasaxiisa xagaaga waxana uu doortay in uu taageero xulka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo oo ka qayb galaya tartanka koobka Africa 2019 oo ka socda dalka Masar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here