Kaddib markii ay isaga hartay Matthijs de Ligt iyo Harry Maguire, Waa kee difaaca ay Man United haatan suuqa ka doonayso?

0
271

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa shaaca laga qaaday daafaca dhexe ee ay suuqa ka doonayso kaddib markii ay isaga hartay soo xero-gelinta Matthijs de Ligt iyo Harry Maguire.

Sida wararku ay sheegayaan kooxda 20-ka goor ku guuleysatay horyaalka Ingiriiska ee Man United ayaa dareenkeeda u weecisay haatan difaaca naadiga Barcelona ee Samuel Umtiti, kaddib markii ay isaga baxday rabitaankeeda Matthijs de Ligt iyo Harry Maguire.

Manchester United ayaa difaacyo cusub suuqa ka rabta, iyadoo macallinka kooxdaasi ee Ole Gunnar Solskjaer uu doonayo inuu isbedel weyn ku sameeyo shaxdiisa oo uu qaabeeyo qeybtiisa dambe ee daafaca.

Kabtanka kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt ayaa u muuqda mid u dhaqaaqaya dhanka Juventus, halka Harry Maguire la fahamsan yahay in haddiiba uu ka tagayo Liecester City uu ku biiri doono kooxda ay Man United Magaalada Manchester ku coltamaan ee Manchester City.

Si kastaba ha ahaatee, Jariiradda Mundo Deportivo ayaa warinaysay in kooxda Manchester United ay haatan awoodeeda isugu geynayso sidii ay garoonka Old Traffrod ku keeni lahayd difaaca naadiga reer Spain ee Barcelona, Samuel Umtiti.

Xiddigan xulkiisa qaranka Faransiiska kula guuleystay koobkii adduunka ee lagu qabtay sanadkii hore dalka Ruushka ayaan qudhiisu u muuqan mid ku qanacsan garoonka Camp Nou.

Umtiti ayaa sanadihii la soo dhaafay ku dhibtooday dhaawacyo, balse waxaa la leeyahay waxa uu noqon lahaa mid aad ugu wanaagsan shaxda kooxda Manchester United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here