Virgil van Dijk oo Ka Dhawaajiyay War Farxad Geliyay Taageeraayasha Liverpool Kadib Markii..

0
219

Daafaca reer Netherlands iyo kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa raadinaya xili ciyaareedka cusub inuu guulo badan la gaaro Reds, wuxuuna ugu baaqay taageerayaasha kooxdiisa Reds inay yeelan doonaan mustaqbal wanaagsan.

Virgil van Dijk ayaa ku hogaamiyay kooxdiisa Liverpool inay ku guuleystaan markii 6-aad ee taariikhdooda tartanka Champions League, xili sidoo kale xulkiisa qaranka Netherlands uu ku hogaamiyay inay gaaraan finalka UEFA Nations League inkastoo ay guuldaro kala kulmeen Portugal.

Hadaba Virgil van Dijk ayaa fariin qoraal ah uu ku soo qoray boggiisa rasmiga ah ee Instagram-ka wuxuu ku sheegay:

“Waxaan haystay maalmo yar si aan ugu dambeyntii ugu fikiro dhamaadka xilli ciyaareed aan caadi aheyn”.

“Waxaan koox ahaan ka sameynay waxyaabo fiican xilli ciyaareedkan Liverpool, waana ku faraxsanahay inaan qeyb ka ahaado kooxdan cajiibka ah iyo ciyaartoydan”.

“Inaad noqoto kooxda heysata koobka Champions League, waa riyo rumoowday, waxaan dhamaanteen u oomanahay hada inaan guulo badan gaarno, waxaana sii wadi doonaa inaan sameyno wax walba ee awoodeena ah si aan arintaas u sameyno”.

“Waxaan sidoo kale ku faraxsanahay mustaqbalka xulka qaranka, waxaanan rajeyneynaa inaan dhisno xilli ciyaareedka soo socda oo aan marqaati ka nahay, waxaan ugu mahadcelineynaa dhammaan taageerayaasha sida ay noo garab taagnaayeen bilihii la soo dhaafay, waxaan dib isku arki doonaa kaddib fasax gaaban, si aan mar kale hore ugu socono”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here