Man United, PSG Mise Barcelona? Atletico Madrid Oo Xaqiijisay Kooxda Uu Antoine Griezmann Ku Biiri Doono.

0
489

Kooxda Atletico Madrid ayaa xaqiijisay kooxda uu xiddigeeda Antoine Griezmann Ku biiri doono inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan kadib markii uu xaqiijiyay in uu isaga tagi doono kooxda Atletico Madrid.

Agaasimaha kooxda Atletico Madrid ee Gil Marin ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga Antoine Griezmann ku biiri doono kooxda Barcelona inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga reer France ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda Atletico Madrid todobaadyadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkii dhamaaday inkasta oo uu heshiis cusub saxiixay xagaagii hore.

Tan ilaa markii uu Antoine Griezmann xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda Atletico Madrid waxa si weyn loola xiriirinayay kooxaha Barcelona, Man United iyo PSG kuwaas oo doonayay adeegiisa.

Agaasimaha Atletico Madrid ee Gil Marin oo la hadlaya wargayska Mundo Deportivo ayaa yidhi”Waxa aan kala cadaynayaa Meesha uu Antoine Griezmann ka ciyaari doono xilli ciyaareedka dambe”.

“Kooxda uu ka ciyaari doono way iska cadayd tan ilaa bishii March waana Barcelona”ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay maalmihii ugu dambeeyay soo baxayeen warar uu xiddigu ku sheegay in uu ogyahay meesha uu ka ciyaari doono xilli ciyaareedka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here