WAR CUSUB Man United Oo Ka Jawaabtay Dalabkii Ay Real Madrid Ka Gudbisay Paul Pogba, Xitaa Fariin Ayay U Raacisay

0
417

Kooxda Man United ayaa ka jawaabtay dalabkii ay Real Madrid ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Pual Pogab kaas oo ay doonayso adeegiisa inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Man United ayaa dhigeeda Man United u sheegtay in ay iska ilowdo saxiixa Paul Pogba xagaagan sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Xiddiga reer France ayaa ah bartilmaameedka 1-aad ee uu Zinedine Zidane doonayo in uu ku xoojiso khadka dhexe xagaagan xilli uu dib u dhis ku wado kooxdiisa.

Pogba ayaa dhankiisa doonaya in uu isaga tago Man United waliba ku biiro kooxda Real Madrid si uu xilli ciyaareedka dambe uga hoos ciyaaro tababare Zidane.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay Real Madrid wadahadalo la furtay Man United iyada oo waydiisay qiimaha ay kaga samri karaan xiddiga khadka dhexe.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Real miiska u saartay Man United lacag dhan 50 Milyan oo euro iyo waliba xiddiga Gareth Bale si ay u helaan Paul Pogba.

Laakiin United ayaa Real Madrid u sheegtay in uuna Pogba iib ahayn xagaagan wax niyad ahna u hayn in ay iska iibiyaan 26 jirkan oo muhiim ka ah qorshaha tabaabre Ole Gunnar Solskjaer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here