Matthijs de Ligt: Dhibaatadu Ma Ahan Lacag Hal Arin Ayaan U Baahanahay.

0
325

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt ee ayaa ka hadlay wararka mustaqbalkiisa xilli lala xiriirinayo kooxo badan oo reer yurub ah kuwaas oo doonaya adeegiisa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Matthijs de Ligt ayaa dalabyo ka haysta kooxo badan oo reer yurub ah oo ay ka mid yihiin Man United, PSG iyo waliba Barcelona kuwaas oo doonaya adeega xiddiga reer Holland.

“Lacagtu wax dhibaato ah ma lahan”ayuu Matthijs de Ligt u sheegay wargayska Mundo Deportivo.

“Arinta iigu muhiimsan ayaa ah in aan ku biiro koox aan si joogto ah ugu ciyaaro”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Isaga oo ka hadlaya ku biirista kooxda Barcelona ayuu yidhi”Kooxda Barcelona waxa ay haysataa daafacyo waaweyn waana iska caadi in loo tartamo boosaska laakiin taas ma ahan mid i cabsi galinaysa”.

Isaga oo ka hadlaya ka garab ciyaaristiisa Lionel Messi Iyo De Jong ayuu yidhi”Dabcan way fiicnaan lahayd in aan ka garab ciyaaro Lionel Messi Iyo De Jong laakiin waa in aan qiimeeyo waxa aniga fiican”.ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here