Kooxda Chelsea oo lixdaan macallin midkood tababare ka dhiganaysa haddii uu tago Maurizio Sarri

0
177

Waxaa la sheegayaa in kooxda kubadda cagta Chelsea ay lixdaan macallin midkood ka dhigan doonto tababareheeda xiga haddii uu ka tago hoggaamiyahooda haatan ee Maurizio Sarri.

The Blues kooxda lagu naanayso waxa ay filanaysaa in tababareheeda reer Talyaani ee Maurizio Sarri loo magacaabi doono macallinka cusub ee kooxda Juventus 48-da saacadood ee soo aaddan.

Shabadda ciyaaraha ee Daily Express ayaa daabacday magacyada lix macallin oo midkood uu tababare u noqon doono Chelsea haddii uu tago Sarri, waxaana tababareyaashaas hoggaaminaya ciyaaryahankii hore ee kooxdaas, Frank Lampard.

Macallinka dhowaan ka tagay Juventus ee Maxi Allegri, Steve Holland oo caawiye tababare ka ah xulka qaranka Ingiriiska, Erik ten Hag oo hoggaamiya kooxda Ajax ayaa ka mid ah tababareyaasha la la xiriirinayo garoonka Stamford Bridge.

Kooxda ka dhisan Galbeedka Magaalada London ee Chelsea ayaa sidoo kale liiska tababareyaasha ay u rabto bedelka macallin Maurizio Sarri ku darsatay Nuno Espirito Santo iyo Javi Garcia oo si fiican u garanaya horyaalka Premier League maadaama ay kala hoggaamiyaan kooxaha Wolves iyo Watford.

Yeelkeede, waxaa warbixintan ay daabacday Daily Express lagu sheegay in macallinka ugu cad-cad lixdaan tababare inuu noqdo hoggaamiyaha cusub ee kooxda Chelsea uu yahay halyeyga kooxdaasi ee Frank Lampard.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here