DHACDOOYINKA KUBADA: Messi oo Mar ku Dhawaaday Inuu Ka Hayaamo Barcelona Iyo Sababtii Ka danbeysay, Warbixin Xiiso Leh.

0
351

Waxaa jira waxyaabo badan oo ay adag tahay in la sawirto iyadoo ay kala maqan yihiin, Lionel Messi iyo Barcelona ayaa ka mid ah.

Laakiin waxaysan dad badan ogeyn in xiddiga reer Argentina uu ku dhawaaday inuu Barcelona ka tago sannadii 2014, waxayna qaadatay talaabo mucjiso ah inuu sii joogo Camp Nou.

Haddii Tito Valanova uusan hadal qiiro leh kula hadli laheyn, Lionel Messi wuxuu u dheeli lahaa midkood Manchester City ama Paris Saint-Germain.

Sannadii 2014 ayay aheyd, La Pulga waxaa ka go’neyd inuu ka tago Barcelona laakiin hal wada sheekeysi ayaa bedelay wax walba.

19kii bishii April 2014 macalinkii hore ee Barcelona Tito Vilanova ayaa aad u xanuunsanayay, waxa ku faafay kansarka, mana uusan dooneynin iny ciyaartoyda Barcelona soo booqdaan.

Laakiin Lionel Messi ayaa ogaaday xanuunka tababarihiisa hore, waana uu booqday.

Wuxuu markii qeyb ka ahaa kooxdii Barcelona ee ay guuldarada ka soo gaartay Real Madrid finalkii Copa del Rey, waxaa Champions League ka soo reebtay Atletico Madrid, Ronaldo ayaa isna ku soo dhawaa rikoorkiis Ballon d’Or.

Sidaasi darteed Messi waxay u aheyd waqtigii uu isbedel la imaan lahaa. Wuxuuna runta u sheegay Tito Vilanova isagoo ku yiri: “Mudane waan baxayaa” sida ay qortay El Pedioridico de Catalunya.

Seddexdaas erey ayaana qalqalgelin lahaa mustaqbalka Barcelona iyo madaxdeeda. Messi wuxuu u sheegay macalinkiisii hore inuusan dooneynin lacag badan inuu doonayo wax intaas ka qoto dheer, inuu doonayo bilow cusub.

Waana waqtigaan markii uu Tito Vilanova uu hadlay islamarkaana uu Barcelona ka celiyay musiibo ku soo socotay.

“Halkee aadeysaa, PSG? Barca waa kooxdii kaa dhigtay qofka aad maanta tahay, waa kooxdii aad ku soo barbaartay. Xitaa haddii ay xaaladu adag tahay haatan meel kaaga fiican ma jirto”

Ereyadaas ayaana taabtay qalbiga Lionel Messi, maalintii ku xigtay waxa uu dhaliyay goolka guusha ee kulankii ay la ciyaarayeen Athletic Bilbao.

Shan maalmood ka dib markii uu la hadlay Lionel Messi, Tito Vilanova waa uu geeriyooday. Laakiin waxa uu ka badbaaday Barcelona iyo Messi furiin qalbijab leh.

Bishii May 2014 xiddiga shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or waxa uu qandaraas cusub u saxiixay Barcelona. Waxaana ay aheyd hadiyadii ugu danbeysay ee Vilanova uu siiyay Barcelona ka hor inta uusan dhimanin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here