DEG DEG: Wakhtiga Man City Laga Ganaaxi Karo Champions League Oo La Ogaaday..

0
406

Kooxda Man City ayaa wali wajahaysa in dusha laga saaro ganaax champions League ah waliba ka qayb qaadan waydo tartanka xilli ciyaareedka dambe inkasta oo ay dacwad ka gudbisay UEFA.

Kooxda ku guulaystay horyaalka premier League ayaa maxkamada kubada cagta ee “CAS” ka gudbisay in ay iska tuurto dacwada ay UEFA Kag soo gudbisay ee looga ganaaxi karo champions League muddo hal xilli ciyaareed ah.

Kooxda Man City ayaa doodaysa in ayna jabin wax xeer ah waliba sheegtay in ayna waxba ka jirin baadhitaanka ay UEFA samaysay ee dambiga lagu helay kooxda Man City.

Laakiin “CAS” ayaa haatan u sheegtay wargayska SuSport in ayna waxba ka qaban karin dacwada socota ee ay UEFA Ku wado kooxda Man City.

Taas ayaa la macno ah in ay in ay UEFA Ganaax champions League ah dusha ka saari doonto Man City todobaadyada yar ee soo socda.

Man City ayaa haatan khatar ugu jirta in ay seegto champions League xilli ciyaareedka dambe iyada oo ganaaxeeda ogaan doonta todobaadyada soo socoda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here