Real Madrid Oo Eden Hazard U Samayn Doonta Soo Bandhigis Ka Weyn Midii Ay U Sameeyeen Cristiano Ronaldo, Sabab?

0
267

Kooxda Real Madrid ayaa qorshaynaysa talaabo ay kaga Masayrsiinayso xiddigeedii hore ee Cristiano Ronaldo una soo ciyaaray muddo 9 sano ah kana tagay xagaagii markaas oo ku biiray kooxda Juventus.

Real Madrid ayaa qorshaynaysa in ay Eden Hazard u soo bandhigto qaab ka weyn qaabkii ay u soo bandhigtay xiddiga Cristiano Ronaldo markii ay kala soo wareegeen kooxda Man United 10 sano ka hor.

Kooxda Real Madrid ayaa Eden Hazard ku soo bandhigi doonta garoonka Estadio Santiago Bernabeu maalinta Khamiista marka ay saacad geeska Africa tahay 9:00 Habeenimo.

Sababta ay wakhtigaas u qabanayso soo bandhiga Eden Hazard ayaa ah in ay doonayso in ay taageerayaal badan ka soo qayb galaan soo bandhigista xiddiga ugu qaalisan taariikhda Real Madrid.

Kooxda Real Madrid ayaa xiddigaha kale ee xagaagan ku soo biiray u soo bandhigi doonta si caadi ah laakiin qaab khaas ah u diyaarin doonta soo bandhigista Eden Hazard.

Sababta kale ee xiisaha u yeelaysa soo bandhigista Eden Hazard ayaa ah in ay maamulka Los Blancos haatanba aaminsan yihiin in ay taageerayaasha kooxdu soo buuxin doonaan garoonka ama ku dhawaan doonaan marka la soo bandhigayo xiddiga.

Soo Bandhigistii Ronaldo ayay ka qayb galeen taageerayaal dhan 70, 000 laakiin waxa la filayaa in ay dhaafaan taageerayaasha ka soo qayb gali doona soo bandhigista Hazard.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here