Man City, Man United Mise Liverpool? Bruno Fernandes Oo Si Maldahan U Sheegay Kooxda Uu Doonayo In Uu Ku Biiro Xagaagan

0
420

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Sporting Lisbon ee Bruno Fernandes oo si weyn loola xiriirinayo kooxaha Man United iyo Man City ee Bruno Fernandes ayaa si maldahan u sheegay kooxda uu ku biiri doono ama doonayo in uu kaga biiro horyaalka oremier League.

Xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes ayaa si weyn loola xiriirinayaa kooxaha reer Manchester kuwaas oo doonaya adeegiisa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Waxa jira xitaa warar sheegaya in ay kooxda Man United dhigeeda Sporting Libson kala heshiisay saxiixa xiddiga inkasta oo ayna wali heshiiska shaqsiga ah la gaadhin xiddiga.

Laakiin xiddiga reer Portugal ayaa si maldahan u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Liverpool inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Isaga oo la hadlaya HQ Anfield ayaa yidhi” Anigu aad ayaan u jecelahay kooxda Liverpool, waxa ay soo bandhigaan ama ciyaaraan kubad toos ah oo weerar ah”.

“Waxa laga yaabaa in ay ka yara hooseeyaan Man City laakiin way ka fiican yihiin dhanka qaab ciyaareedka”.

“Marka ay kooxda Jurgen Klopp haysato kubada waa qaar ku baahsan kubada cagta”.

Xiddiga reer Portugal ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday taas oo soo jiidatay indhaha kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here