Jan Oblak Oo Doonaya In Uu Isaga Tago Atletico Madrid Xagaagan, Koox Weyn Oo Premier League Ah Ayuu Ku Wajahan Yahay, Waa Kooxdee?

0
149

Goolhayaha Kooxda Atletico Madrid ee Jan Oblak ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Atletico Madrid inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan si uu ugu biiro koox weyn oo premier league ah sida ay sheegayaan wararku.

Jan Oblak ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Atletico Madrid xagaagan isaga oo waliba doorbidaya in uu ku biiro kooxda Man United sida ay sheegayaan wararku.

26 Jirkan ayaa ka mid noqday goolhayayaasha ugu fiican kubada cagta adduunta waxana uu Atletico Madrid heshiis cusub u saxiixay bishii April iyada oo heshiiskiisa lagu bur-burin karo lacag dhan 120 milyan oo euro.

Laakiin todobaadkii hore ayuu qirtay in uu isaga tagi doono kooxda Atletico Madrid hadii ay xiddigaha muhiimka ah isaga tagaan kooxda.

“Waan joogayaa Atletico Madrid ilaa inta Habigoodu la mid yahay midkayga”ayuu yidhi goolhayuhu.

“Waxa aan hubaa in ay kooxdu la soo saxiixan doonto xiddigo atyo leh markii aan saxiixay heshiiska cusub waxa ay ii balan qaadeen in ay kooxdu leedahay hami fiican”.

Wargayska ESPN ayaa sheegaya in uu Oblak haatan u furan yahay in uu isaga tago kooxda Atletico Madrid isaga oo xiiso ka helaya kooxaha Man United iyo PSG.

Laakiin Goolhayaha reer Slovenia ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Man United sabab la xidhiidha in uu taageere u ahaa Red Devils tan ilaa markii uu da,yarka ahaa.

Man United oo ka ciyaari doonta Europa League xilli ciyaareedka dambe ayaa wajahaysa go,aan ay Ka qaadato mustaqbalka Goolhaye David De Gea kaas oo hal sano uga hadhsan yahay heshiiskiisa walina aan kooxda ogolaan in uu heshiis cusub u saxiixo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here