Maxaad Ka Taqaanaa Xaaska Mohamed Salah Iyo Sababta Ay Uga Danbeyso Guulihiisa?

0
1671

Waa xaaska ugu afka gaaban xaasaska xiddigaha ugu waa weyn kubada cagta, sidaasi oo ay tayay waa gabadha ka danbeysa guulaha Mohamed Salah.

Sidee ayay Maggi Salah ku soo jiidatay qalbiga xiddiga Liverpool iyo xulka Masar Mohamed Salah?

Waxaa jirta oraah caan ah oo oraneysa “Guul walba uu nin gaaro waxaa ka danbeysa naag weyn”.

Messi wuxuu heystaa Antonella, Ronado waxa uu heystaa Georgina, Pique waxa uu heystaa Shakira, waxaa mar walba jira dumar cajiib leh oo ka danbeeya xiddaha ugu fiican dunida.

Laakiin Maggi Salah lama mid ahan xaasaska u dhaxa xiddagaha badankood kuwaasoo jecel inay sawiro soo dhigaan baraha bulshada iyo inay wareysi bixiyaan.

Maggi waa qof afgaabannoo inta badan la arag, waxay kaliya kaamirada ka soo muuqatay afar jeer, labo jeer oo aheyd xaflada xiritaanka horyaalka oo uu Mohamed Salah ku guuleystay Kabta Dahabka.

Labada jeer kale waxay ay ka soo muuqatay taribuunka Anfield oo ay ku jirto kulankii taariikhda galay ee ay Liverpool 4-0 kaga badisay Barcelona lugtii labaad ee semi-finalka Champions League.

Mohamed Salah iyo Maggi waxa ay isguursadeen sannadii 2013 markaasoo uu u ciyaarayay kooxda FC Basel ee dalka Switzerland.

Waxay ku kulmeen iskuulka markii ay da’ yaraayeen waxaana ay ku noolaayeen deegaan isku mid ah.

Jaceylkooda waxa uu maray imtixaaanka waqtiga, caanimada Mohamed Salah waxba kama aysan bedelin.

Maanta Maggi waxa ay ka shaqeysaa Bio Technology taasoo cajiib ah. Maggi waa qof degan oo leh qalbi dahab waana sababt uu Salah u jecel yahay.

Mohamed Salah waxaa muhiikad weyn u leh qoyskiisa laakiin waxa uu doonayaa inuu ka ilaaliyo kaamirooyinka.

Lamaanahaan waxaaa xiriirkooda udub dhexaad u ah diinta Islaamka, waxaa Ilaheey siiyay gabar ay u bixiyeen Makka iyagoo ku sharfaya magaca magaalada barajeysan ee Makkah.

Makka ayaa dhalaalisay qalbiyada taageerayaasha kubada cagta markii ay garoonka la soo gashay aabaheed dhamaadkii xilli ciyaareedkan.

Maggi iyo Makka ayaa ah kuwa dhulka ku haya Mohamed Salah. Maggi ayaa ka caawisa Salah inuusan madaxa kor u qaadin marka uu ku jiro waqtiyada fiican sida wacdarihii uu u dhigayay Liverpool xilli ciyaareedkii kan ka horeeyay.

Sidoo kale waa taageerihiisa ugu weyn, waxaana ay ka caawisaa inuu xal helo marka ay xaaladu adag tahay. Waxay sidoo kale ka caawisaa sadqada uu baxsado iyo hay’adaha tabarucaada ee uu taageero.

Haddii Mohamed Salah uu maanta ka mid yahay xiddaha ugu fiican caalamka waxaa ku mahadsan xaaskiisa Maggi oo had iyo jeer garab taagan islamarkaana aan soo jeedanin dareenka warbaahinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here