Gabadhii Qaawaaanta Ku Dhex Carartay Finalkii Champions League Ayaa Ka Dhawaajisay Dhowr Xidig Oo Liverpool Ah iney Usoo Direen LOVE

0
504

Gabadhii dhawaan dhex carartay gegida Wanda Metropolitano Final-kii UEFA Champions League oo lagu magacaabo Kinsey Wolanski ayaa kaddib markii dhawaan laga soo daayay xabsiga bixisay waraysi wax badan ay ku sheegtay.

Wolanski ayaa dhex carartay gegida iyada oo xidhan dharka loogu talo galay dabaasha si ay iyadu u hesho shacbiyad sidoo kalena bogga aflaamta xun xun lagu soo bandhigo ee saaxiibkeed leeyahay uu kor ugu kaco.

Khubaro kala duwan ayaa sheegay inay dhacdadan ku heleen iyada iyo saaxiibkeed isku dar €6.9 Milyan iyadoo si gaar ahaaneed boggeeda Instagram ugu heshay in ka badan 2 Milyan oo Followers ah halka saaxiibkeed bogiisa ay is diiwaan galintiisu dhaaftay 32 Milyan.

“Kaddib markii la iga soo daayay jeelka waxaana ka tagay 300,000 oo Follower ilaa in ka badan 2 Milyan, Ma iibsan kartid caanimada noocaas oo kale ah”

“Si deg deg ah waxaan caan uga noqday dunida oo dhan waxaanan helay dalabaad shaqo oo iska soo daba qulqulaya, Uma malaynayo inaan qofna ku sameeyay wax dhaawac ah, Waxa ay ahayd kaliya wax yar oo maadeysi ah”

Intaa kaddib Kinsey ayaa kusii talax tagtay sheekada iyada oo banaanka keentay inay farriimo uga yimaadeen qaar kamid ah xiddigaha Liverpool oo aysan magacyadooda xusin.

Gabadhan 22 sano jirka ah ayaa sheegtay in mid kamid ah xiddigaha Reds uu usoo diray sawiro wadne (Love) ah halka uu mid kale u sheegay inuu garoonka ku arkay.

Kinsey ayaa markale tidhi “Anigu ma sheegayo wax magacyo ah laakiin dhawr xiddig oo Liverpool ah ayaa isoo diray farriimo soo jiidasho leh kaddib markii aan dhex orday kulanka”

“Mid ayaa isoo diray sawiro yar yar oo wadne ah halka ka kale uu isoo diray farriin odhanaysa ‘Waxaan kugu arkay kulanka”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here