MUUQAAL CUSUB Ma Dhab baa in Neymar JR uu Geystay Fal Kufsi Ah Iyo Jawaabtii Uu Ka Bixiyay, War kale oo cusub…

0
88

Garabka kooxda Paris Saint-Germain iyo xulka qaranka Brazil ee Neymar JR ayaa kasoo jawaabay wararkii dhawaan soo baxay ee isaga ku eedaynayay inuu fal dambiyeed kufsi ah dhexda kaga jiro.

Warkan ayaa ah mid uu dunida ku faafiyay wargeyska ree Brazil ee UOL waxaana uu sheegay in Neymar uu magaalaa Paris ku geystay fal kufsiyeedkan isla markaana baadhitaan lagu wado.

Cida falkan xun kusoo eedaysay Neymar ayaa sheegaysa in gabadha dhibanaha ahi ay Neymar kula xidhiidhay barta Instagram isla markaana ay farriimo dhawr ah is dhaafsadeen.

Intaa kaddib mid kamid ah asxaabta Neymar ayaa lagu sheegay inuu fududeeyay kulanka gabadhan iyo Neymar ay isku arkayeen.

Neymar ayaa muuqaalkan uu ku faafiyay barihiisa bulshada ku sheegay inuu ka naxay maqalka warkaas isla markaana dadka isaga garanaya ay ogsoon yihiin inaysan waxaasi ka suurtogalin.

27 jirkan ayaa muuqaalkiisa ku yidhi “Waxa la igu soo eedeeyay kusfi, Waa eray xoogan laakiin waa waxa dhaca haatan, Waan ka murugsanahay inaan maqlo, Qofkasta oo i garanaya aniga wuu garanayaa in aanan waligay samayn lahayn waxaas”.

Dhinaca kale hadal hore looga qabtay Neymar oo saxaafada u warramay kaddib eedayntan ayaa qirtay inuu gabadha la hadlay balse si kale wax loo fasirtay isla markaana uu waxkasta soo bandhigi doono.

“Wixii dhacay waxa uu ahaa mid gabi ahaanba lid ku ah waxa ay ka hadlayaan, Anigu aad ayaan u cadhaysanahay haatan, Waxkasta waan soo bandhigi doonaa, Waxaan soo bandhigi doonaa dhammaan wada hadalada aan la yeeshay inanta, Dhammaan wakhtiyadayadii gaarka ahaa”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here