Man United Mise Tottenham? Adrien Rabiot Oo Doortay Kooxda Uu Premier League Kaga Biirayo

0
81

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda PSG ee Adrien Rabiot ayaa kala doortay kooxda uu doonayo in uu kaga biiro horyaalka premier League inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Adrien Rabiot oo si xor ah uga tagaya kooxda PSG xagaagan ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Man United iskana diiday fursad uu ugu biiri lahaa kooxda Tottenham ee gaadhay Finalka champions League.

Kooxda Man United ayaa la sheegayaa in ay dalab Rasmi ah ka gudbisay Adrien Rabiot maalimii yaraa ee la soo dhaafay xilli uu xiddiga reer France si aad ah u doonayo in uu isaga tago kooxda.

24 jirkan ayaa sidoo kale xiiso ka helaya kooxda Tottenham kuwaas oo doonaya in ay ku xoojiyaan kooxda kadib fashilkii Finalka koobka champions league xilli ciyaareedkan.

Laakiin wargayska Le10 Sport ayaa sheegaya in uu Rabiot doortay in uu ku biiro kooxda Man United iyada oo ay wararku intaas ku darayaan in uula dhacsan yahay mushaharka 10 milyan ah ee ay Man United u soo bandhigtay xiddiga sanadkii.

Rabiot ayaa horay diirada ugu saaraan kooxaha Barcelona, Real Madrid, Bayern Munich, Juventus iyo Arsenal laakiin xiddiga reer France ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Man United xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here