Liiska Kooxaha Ugu Guulaha Badan Ee Champions League -Waxka Ogow

0
131

Liverpool ayaa xalay qaaday koobkeedii lixaad ee Champions League ka dib markii ay 2-0 ciyaartii kama danbeysta aheyd kaga guuleyten kooxda Tottenham kulankii ka dhacay garoonka Wanda Metropolitano .

Rigoore uu bilowgii ciyaarta dhaliyay Mohamed Salah iyo goolkii ciyaarta dilay ee labaad ee uu dhaliyay Divock Origi oo bedelka ayaa Liverpool ka saaciday inay hanato koobka Champions League.

Ka dib markii ay xilli ciyaareedkii hore ku hungoobeen hanashada koobka markii ay soo gaareen finalka, kooxda Jurgen Klopp ayaa ugu dambeyn gacanta ku dhigta koobka Champions League.

Liverpool haatan waxa ay keli ku noqotay kaalinta 3aad ee kooxda ugu guulaha badan koobka kooxaha horyaalada Yurub, madaama ay qaadeen koobka lix jeer.

Waxaa koobkaan ugu guulo badan Real Madrid oo hanatay 13 jeer, halka AC Milan oo kaalinta labaad ku jirta ay hanatay todobo jeer..

Liiska kooxaha ugu guulaha badan tartanka koobka kooxaha horyaalada Yurub ee Champions League:

13 Real Madrid (16 final ayay ciyaareen)
7 AC Milan (11 final ayay ciyaareen)
6 Liverpool (9 final ayay ciyaareen)
5 Bayern München (10 final ayay ciyaareen)
5 Barcelona (8 final ayay ciyaareen)
4 Ajax (6 final ayay ciyaareen)
3 Internazionale Milano (5)
3 Manchester United (5 final ayay ciyaareen)
2 Juventus (9 final ayay ciyaareen)
2 Benfica (7 final ayay ciyaareen)
2 Nottingham Forest (2 final ayay ciyaareen)
2 Porto (2 final ayay ciyaareen)
1 Borussia Dortmund (2 final ayay ciyaareen)
1 Celtic (2final ayay ciyaareen)
1 Chelsea (2 final ayay ciyaareen)
1 Hamburg (2 final ayay ciyaareen)
1 Marseille (2 final ayay ciyaareen)
1 Steaua București (2 final ayay ciyaareen)
1 Aston Villa (1 final ayay ciyaareen)
1 Crvena zvezda (1 final ayay ciyaareen)
1 Feyenoord (1 final ayay ciyaareen)
1 PSV Eindhoven (1 final ayay ciyaareen).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here