Garsoore Caalami Ah Oo Xaqiijiyay Rigoorihii Xalay Lagu abaal Mariyay Liverpool, Ma Waxay Ahayd Sharci Mise Sharci Darro?

0
779

Juan Andujar Oiver oo ah khabiir dhinaca garsoorka kubadda cagta Spain ah ayaa aragtidiisa ka dhiibtay saxsanaanta rigoorihii loo dhigay kooxda Liverpool Final-kii Champions League ee xalay.

Liverpool ayaa 2-0 kaga talaabsatay dhigeeda Tottenham waxaana goolka furitaanka daqiiqadii koowaadba shabaqa dhex dhigay Mohamed Salah oo hoggaan xilli hore ah oo kalsooni siiyay kooxdiisa keenay.

Rigoorahaas ayaa ahaa mid cabashooyin ka dhasheen, Skomina oo ahaa garsoorihii kulanka ayaa xataa diiday inuu ugu yaraan dib usoo daawado muuqaalka garsoor caawiyaha ah ee VAR.

Tababaraha Tottenham ee Mauricio Pochettino oo kulanka kaddib ka hadlay gool kulaadkaas ayaa sheegay in uu ahaa go’aanka kulanka dilay ee saamaynta xun ku yeeshay kooxdiisa.

Haddaba, Andujar oo ah 70 sano jir looga dambeeya arrimaha garsoorka ayaa gabi ahaanba kasoo hor jeedsaday go’aankaas waxaana uu sheegay in kubaddu haddii ay laabta ciyaartoyga ku dhacdo kaddibna gacanta taabato uusan qalad jirin.

Juan Andujar Oliver ayaa yidhi “Waa qalad qaybta garsooraha ah, Kubaddu waxa ay ku dhacday laabta Sissoko kaddib gacantiisa”

“Ficilka noocan ahi maaha rigoore, May ahayn in qalad la dhigo, Waxa uu gabi ahaanba ahaa mid la sameeyay iyadoon la filanayn”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here