Sheekada Dhabta Ah Ee Ka Danbeysa Muuqaalka Walwalka Geliyay Jamaahiirta Premier League Oo La Ogaaday

0
93

Manchester City ayaa lagu eedeeyay inay burburisay koobka Premier League ka dib markii uu soo baxay muuqaal sidaasi muujinaya oo lagu wareejinayay baraha bulshada.

Muuqaalka ayaa la arki karaa wax u eg koobka caanka ee Premier League oo isagoo burburay uu dhulka yaalka halka weeraryahanka Sergio Aguero uu u muuqdo qofka uu koobka ka fakaday ee uu dhulka uga dhacay.

Waxaana muuqaalka uu soo baxay xilli Manchester City ay shalay koobka Premier League ku wareejineysay magaalada Manchester, waxaana muuqaalka si weyn loogu wadaagay baraha bulshada.

Laakiin muuqaalka ma ahan mid dhab ah, waxaa mid loo duubay si kaftan ah oo sameeyeen City TV looguna talogalay inuu noqdo majaajilo iyadoo Aguero uu jilayay inuu yahay qofka koobka uu ka fakaday

Waxaa jiray halis soo wajahay Premier League oo ay Man City sameysay sannadkii hore markii daafaca garabka Oleksandr Zinchenko uu si kama ah u haraantiyay koobka.

Inkastoo baraha bulshada la isla dhexmarayay in City ay jabjabisay koobka caanka ee Premier League hadana waxaa koobka rasmiga ah lagu arkay baskii ay ku wareegayeen iyagoo sidoo kale hayay koobabka League Cup iyo FA Cup.

Kumanaan ayaa isagu soo baxay Manchester oo shalay noqotay midabka buluuga iyadoo ciyaartoyda City ay xirteen funaando muujinaya guulihii ay gaareen xilli ciyaareedkii dhamaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here