Liiska Lambarada Maaliyadeed Ee Diyaarka U Ah Saxiixyada Cusub Ee Manchester United Iyadoo Solskjaer Uu Isbedelo Sameynayo

0
95

Manchester United ayaa qorsheyneysa inay isbedelo waa weyn sameyso xagaagan, laakiin waa kuwee lambarada diyaarka u ah saxiixyadooda cusub?

Madaxa maamulka Man United E Woodward ayaa isbuucii hore ka balanqaaday tababare Ole Gunnar Solskjaer inuu ku taageerayo suuqa kala iibsiga ka dib markii ay kooxda guulo ka gaartay ganacsigeeda.

Tababaraha reer Norway waxa uu doonaya inuu dhiso koox taam ah, da’ yar ay ku jiraan xiddigo Ingariis ah ama ku koray Ingariiska isagoo aaminsan inay taasi aakhirka ku hogaamin karto hanashada horyaalka Premier League.

Waxaa durbaba ka tagay kooxda xagaagan Ander Herrera iyo Antonio Valencia oo isna heshiiskiisa uu soo dhamaanayo halka Juan Mata weli lagala hadlayo inuu qandaraaska kordhiyo.

Iyadoo ciyaartoy intaas ka badan la filayo iany baxaan, waxaa ciyaartoyda cusub ee imaanaya u soo baxaya lambaro fiican oo ay xirtaan? Hadaba lambaradee u banaan xiddigaha cusub ee Old Trafford imaanaya.

Lambarada haatan ka banaan Manchester United

5 – (markii ugu danbeysay waxaa lahaa Marcos Rojo ka hor inta uusan  u bedelenin 16)

19 – (markii ugu danbeysay waxaa lahaa Marcus Rashford ka hor inta uusan u wareegin 10)

21 – (markii ugu danbeysay waxaa lahaa Ander Herrera)

25 – (markii ugu danbeysay waxaa lahaa Antonio Valencia)

26 – (markii ugu danbeysay waxaa lahaa Shinji Kagawa)

27 – (markii ugu danbeysay waxaa lahaa Marouane Fellaini)

28 – (markii ugu danbeysay waxaa lahaa Morgan Schneiderlin)

29 – (markii ugu danbeysay waxaa lahaa James Wilson)

30 – (markii ugu danbeysay waxaa lahaa Matteo Darmian ka hor inta uusan u wareegin 36)

Lamvarada ay macquulka tahay inay soo banaanaadaan

1 – David de Gea

6 – Paul Pogba

7 – Alexis Sanchez

8 – Juan Mata

9 – Romelu Lukaku

11 – Anthony Martial

36 – Matteo Darmian

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here