Lacagta Ay Arsenal Ku Abaalmarin Doonto Xiddigaheeda Haddii Ay Hantaan Europa League Oo La Ogaaday

0
108

Arsenal ayaa ku abaalmarin doonta ciyaartoydooda ku dhawaad nus milyan ginni ninkiiba haddii ay koobka Europa League ku qaadaan magaalada Baku ee caasimada Azerbaijan isbuuc danbe.

Ciyaartoyda kooxda tababare Unai Emery ayaa heli doonaan lacago kaash oo abaalmarin ah taasoo qeyb ka aheyd qandaraasyadooda haddii ay ku guuleystaan koob Yurub ah.

Daily Mail ayaa ogaatay in ciyaartoyda ay heli doonaan lacago abaalmarin oo u dhaxeeya 100 kun ginni ilaa 500 kun ginni haddii ay qaadaan koobkoodii ugu horeysay ee Yurub tan iyo markii ay ku guuleysteen koobkii la baabi’iyay ee European Cup Winners Cup sannadii 1994.

Sidaasi darteed haddii ay kooxda badiso waxaa akoonkooda ka bixi doonta 10 milyan ginni, waana lacag ay ku faraxsan yihiin inay bixitaan si ay u helaan koobka Yurub ee ay mudada dheer sugayeen.

Inay Chelsea ku garaacaan Azerbaijan 29ka bishaan May kaliya faa’ido uma ahan kubadooda cagta waxa ay sidoo kale faa’ido u tahay dhaqaalahooda inkastoo ay malaayiin ginni ku bixinayaan abaalmarin ahaan.

Tababare Emery ayaa loo balanqaaday bajad gaaraya 40 milyan ginni oo uu ku galo suuqa kala iibsiga, laakiin haddii ay ku guuleystaan Europa League taasoou soo saari doonta Champions League xilli ciyaareedka danbe, markaas waxaa sarre u kici doonta miisaaniyadooda suuqa kala iibsiga.

Dhanka kale kooxda Arsenal ayaa kulan saaxiibtinimo oo ay albaabada u xiran yihiin la ciyaari doonta koxda reer Austria ee LASK Linz Khamiista iyadoo kooxda Emery ay isku diyaarineyso finalka Europa League ee ay la ciyaarayaan Chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here