Hal Arin Oo Chelsea Ku Qasbeysa Inay Eden Hazard Ka Iibiso Real Madrid Inkastoo Ay Xayiraad Ka Saaran Tahay Suuqa Kala Iibsiga

0
88

Chelsea ayaa diyaar u ah inay Eden Hazard ka iibiso Real Madrid xagaagan inkastoo ay halis ugu jiraan in rasmi ah looga mamnuuco suuqa kala iibsiga, sababtoo ah inuu si bilaash ah uga tago sannadka soo socda waxa ay saameyn ku yeelan doontaa buugooda xisaabta taasoo keeni doonta inay ku xadgudbaan sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha yurub ee FFP sida ay qortay jariirada Daily Mail.

Hazard ayaa cadeeyay inuu doonayo inuu soo gabagabeeyo todobo sannadood uu joogay Stamford Bridge marka la ciyaarayo finalka Europa League isagoo doonayo inuu ku biiro Real Madrid.

Chelsea ayaa ku dooneysa xiddigaan 87 milyan ginni iyadoo 28 jirkaan ay ku soo iibsatay 32 milyan ginni markii uu joogay Lille, waxaana qandaraaskiisa Blues uga harsan hal sanno.

Waa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican kubada cagta, laakiin waxa uu ka tagi doonaa kooxda iyadoo qof walba oo Chelsea ah ay ku qanacsan tahay haddii Real ay bixiso lacagta ay Blues dooneyso madaama uu yahay shaqsi caan ka ah Stamford Bridge.

Chelsea ayaa muddo bilooyin ah isku dayaysay inay Hazard u kordhiso qandaraaska, waxaana ay diyaar u ahaayeen inay ka dhigaan mid ka mid ah sideeda ciyaaryahan ee ugu mushaharka badan dunida.

Chelsea ma dooneyso inuu dhameysto qandaraaskiisa madaama uu si bilaash ah kaga tagi karo sannadka danbe. Inkastoo xayiraad suuqa kala iibsiga ah ay saaran tahay hadana waa ay ku qasban yihiin inay iska iibiyaan xagaagan haddii uusan qandaraas cusub saxiixeynin.

Arinta ugu weyn ee u sababta ah ayaana ah in ganacsiga Chelsea uu ku tiirsan yahay xiddigaha ay iibiyaan. Haddii Hazard uu bilaash ku baxo sannadka danbe waxa ku dhici karaan sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha Yurub madaama buugooda xisaabta uusan isku dheelitirnaan doonin.

12kii bilood ee ugu danbeysay Chelsea waxa ay keentay Jorginho oo 56 milyan ginni ku soo iibsadeen, Kepa Arrizabalaga oo ay 74 milyan ginni ku soo xerogeliyeen iyo Christian Pulisic oo ay 57 milyan ginni ku iibsadeen. Waxa ay sidoo kale lacag amaah ah ka bixiyeen Gonzalo Higuain oo ku laabanaya Juventus dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Waxa ay doonayaan inay dhameystiraan saxiixa Mateo Kovacic oo ay amaah uga soo qaateen Real Madrid xilli ciyaareedkan, waxaana ay kalsooni ku qabaa in heshiiskaas uusan xadgudub ku aheyn xayiraada suuqa kala iibsiga ka saaran.

FIFA ayaa Chelsea ka saartay xayiraad suuqa kala iibsiga xagaaga iyo kan Janaayo ka dib markii lagu helay danbi ah inay si sharcidarro ah kula wareegeen xiddigo da’ yar oo ajnabi ah.

Racfaankii ay u gudbiyeen FIFA waa laga soo diiday, waxaana ay haatan racfaan u gudbinayaan maxkamada caalamiga ee isboortiga iyagoo dalbanaya in gabi ahaanba ganaaxa la baabi’iyo ama in dib loo dhigo ilaa iyo bisha Janaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here