Dhibaatada Haaysato Man City Kadib Guuldaradii Caawa Kala Kulmeen Totenham

23 November 2024 - 10:58 pm

Manchester City ayaa laga dhaliyay 16 gool shantii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan, taasoo muujinaysa dhibaatooyinka difaaca iyo khadka dhexe ee kooxda Guardiola.

Tottenham, oo marti ku ahayd Etihad Stadium, ayaa laba gool dhalisay 20kii daqiiqo ee ugu horreysay ciyaarta, iyadoo James Maddison uu u dabaaldegayay dhalashadiisa 28aad, isla markaana uu shabaqa gaaray laba jeer muddo toddoba daqiiqo ah.

Rodri ma uusan ku raaxaysan abaalmarintii Ballon d’Or ee uu ku soo bandhigay Etihad Stadium ka hor ciyaarta, waxaana uu marqaati u ahaa guuldarro xanuun badan isagoo dhaawac la fadhiyay garoonka.

Pedro Porro ayaa ciyaarta ka dhigay 3:0 qeybtii labaad, daafaca reer Spain ayaa ku lug yeeshay goolkiisii 19aad ee dhalin ama caawin kooxdiisa Tottenham tan iyo markii uu yimid.

Man City ma aysan helin fursado badan oo ay sameeyeen, waxaana si weyn u liitay isku xirka khadka dhexe ilaa weerarka.

Ciyaarta guud ahaan waxay ku dhammaatay 4-0 oo ay ku badisay Tottenham, oo marti ahayd.