Arsenal Oo Heshiiskiisa Dhameysay Ciyaaryahan Lala Xiriirinayay Kooxo Waa Weyn, Waa Kuma Ciyaarayahankaas?

24 December 2024 - 4:29 pm

Weeraryahanka Paris Saint-Germain Randal Kolo Muani ayaa kusii dhawaanaya u dhaqaaqista Arsenal inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ee Janaayo, sida laga soo xigtay Evening Standard.

Laacibka heerka caalami ee dalka France ayaa boos ka waayay kooxda Ligue 1 ka dhisan, waxaana la filayaa in amaah lagu fasaxo bisha soo socota.

Gunners ayaa laga yaabaa in la siiyo fursad ay amaah kula saxiixato ciyaaryahanka, iyada oo wakiiladiisa ay raadinayaan koox uu ka heli karo waqti uu ku ciyaaro.

Arsenal ayaa dooneysa in ay xoojiso qeybta weerarka qeybta labaad ee xili ciyaareedkaan, waxaana loo arkaa xiddiga reer France mid kusoo bixi kara kooxda Arteta.

26 jirkaan ayaa sidoo kale waxaa isha ku haya Manchester United, iyadoo PSG ay dhagesan doonto dalabyada soo gaaraya suuqa Jnauary.

Saaxiibkiis xulka qaranka France Kylian Mbappe ayaa ku tilmaamay weeraryahanka mid aad u dhammaystiran’, Arsenal ayaana laga yaabaa inay ka faa’iidaysato bandhigiisa.

Arteta ayaa sahminayay maalmihii lasoo dhaafay weeraryahanka kooxdiisa higaamin doona qeybta labaad ee xili ciyaareedkaan, waxaana loo arkaa hadda inuu yahay Randal Kolo Muani.