Home Wararka Maanta Warar Dheeraad Ah Oo Kasoo Baxay Dhaawaca Xalay Soo Gaaray Harry Kane-...

Warar Dheeraad Ah Oo Kasoo Baxay Dhaawaca Xalay Soo Gaaray Harry Kane- Maseegayaa Koobka Adduunka?

396
0
SHARE

Ka dib markii Harry Kane dhaawac canqawga ah kasoo gaaray kulankii xalay ee Bournemouth, waxaa jira warar horudhac ah oo lagu ogaanayo inta uu la egyahay dhaawaciisa.

Weeraryahanka Tottenham iyo xulka England Harry Kane ayaa shaki weyn laga muujinaya inuu seego kulamo muhiim u ah xulkiisa iyo kooxdiisa.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa waxa ay isku dhaceen goolhaye Asmir Begovic intii au soctay ciyaartii kooxdiisa kaga badiyeen Bournemouth Vitality Stadium.

Ka dib ciyaarta, Kane waxaa la sawiray isagoo la xanuunsanaya dhaawaca kasoo gaaray canqowgiisa, waxaana sidookale cabsi laga qaba inuu jiro dhaawac jilibka ah.

Kane oo noqday mid ka mid ah gooldhaliyaasha ugu fiican caalamka sanadihii ugu dambeeyay, waxaa laga ayaabaa inuu maqnaado muddo dheer.

Spurs oo dagaal ugu jirta ku guuleysiga FA Cup isla markaana rajo ka leh kaalinta afaraad ee Premier League ayay arintaa dhabar jab weyn ku noqon kartaa.

Kane oo hore u dhaawacmay lixdii todobaad ee ugu horeysay xilli ciyaareedkaan, waxa uu seegay 10 kulan oo isku xigta ka hor inta uusan seegin afar kulan kale kadib dhaawac kasoo gaaray kulankii Millwall ee FA Cup.

Dhanka kale, waxaa jira welwel laga qabo inuu seego kulamada xulka England ku wajahayaan Holland iyo Talyaaniga ka hor Koobka Adduunka, iyadoo Gareth Southgate xulkiisa cabsi badan muujinayaan.