Home Wararka Maanta Toddobo Waxyaabood Oo Laga Yaabo Inay Kugu Dhaafeen Kulamadii 28aad Ee La...

Toddobo Waxyaabood Oo Laga Yaabo Inay Kugu Dhaafeen Kulamadii 28aad Ee La Liga

366
0
SHARE

Horyaalka La Liga ayaa xalay la ciyaaray kulamadii 28aad ee La Liga, iyadoo kooxda horyaalka hogaamineyso ee Barcelona guul muhiim ah ka gaartay Malaga.

Real Madrid ayaa sidookale guul ka heshay kooxda Eiber ciyaar xiiso badneyd oo labada koox ay ku kulmeen garoonka Ipurua.

Haddaba Halkaan hoose ka aqriso toddobo rikoor oo ka dhacay kulamadii 28aad ee la ciyaaray horyaalka Spain ee La Liga.

> Ousmane Dembélé ayaa isku dayay sideed gabis kulankii Malaga, waana in kabadan kulamadii hore ee kooxda uu kasoo muuqday.

> Jordi Alba ayaa sagaal gool caawiyey xilli ciyaareedkaan tartamada oo dhan, waana in ka badan daafac kasta oo La Liga ka ciyaara.

> Luis Suarez ayaa shabaqa soo taabtay 25 koox oo kala duwan oo uu wajahay La Liga xirfadiisa Barcelona.

> Geoffrey Kondogbia ayaa laba gool caawiyey hal kulan oo horyaalka ah waa markii ugu horeysay xirfadiisa ciyaareed.

> Pedro Leon ayaa lix gool ka dhaliyay Real Madrid horyaalka La Liga, waana in ka badan kooxaha kale.

> Cristiano Ronaldo ayaa si toos ah ugu lug lahaa shan gool seddexdiisii kulan ee horyaalka Spain uu ku ciyaaray Ipurua (afar gool isaga dhaliyay,  halna waa caawiyey).

> Real Madrid ayaa badisay seddexdii kulan ee ugu dambeysay oo ay laciyaareen Eibar, iyagoo dhaliyay 10 gool wadar ahaan.