Home Wararka Maanta Sawirkii u horeeyey Lionel Messi oo ilmihii 3 aad loo dhalay

Sawirkii u horeeyey Lionel Messi oo ilmihii 3 aad loo dhalay

441
0
SHARE

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa soo bandhigay Sawirkii koowaad ilmihii 3 aad ee loo dhalay kaas oo uu daraadii kaga maqnaa kooxdiisa cayaartii ay 2-0 kaga badiyeen Malaga.

Lionel Messi ayaa bartiisa bulshada soo dhigay Sawir isaga oo lajooga Xaaskiisa iyo Ilmihiisa iyaga lajooga Xaaskiisa Antonella Roccuzzo taas oo dhashay Canugii 3 aad ee uu Aabe u yahay Messi.

Antonella Roccuzzo ayaa dhashay Wiil loogu Magac daray Ciro! waana wiilkii 3 aad ee ay dhasho Xiddiga Barcelona ee Lionel Messi kaas oo lawadaagay Taageerayaashiisa Faraxada canugiisa cusub ee u dhashay xalay.