Home Wararka Maanta miyuu Wenger baxaya Go’aanka ugu danbeeyo bixitaankiisa cida leh oo la ogaaday…

miyuu Wenger baxaya Go’aanka ugu danbeeyo bixitaankiisa cida leh oo la ogaaday…

387
0
SHARE

Shaqada tababare Arsene Wenger ayaa haatan mareysa in shaki weyn la galiyo iyadoo kooxda ay xaaladda kusii xumaaneyso, hadal heyn badan ayaana ka jirta cidda badali laheyd iyo sidoo kale cidda leh masuuliyadda go’aan ka gaarista.

Sida lagu sheegay warbixino badan oo lagu baahiyay warbaahinta Ingiriiska, waxaana la ogaaday afarta shaqsi ee dooran doona shaqsiga badali doona Arsene Wengr, taasoo ka dhigan in durba lasii ogyahay inuu dhamaadka xilli ciyaareedkaan ama ka hor bixi doono.

Khabiirka xaqiiqooyinka kooxda Jaeson Rosenfeld, Madaxa xiriirka kubadda cagta Raul Sanllehi, madaxa suuqa kala iibsiga Sven Mislinat iyo madaxa fulinta kooxda Arsenal Ivan Gazidis ayaa go’aan ka gaari doona cidda badali doonta Arsene Wenger.

Tababaraha Jarmalka Joachim Low ayaa ah shaqsiga ugu cad-cad ee lala xiriirinayo shaqada tababaranimo ee Gunners, walow uu kula jiro heshiis muddo dheer xiriirka Jarmalka hadana afarta shaqsi ee go’aanka ka gaaraya badalka Wenger ayaa mid walba uu la dhacsan yahay hanaanka macalinka Jarmalka ah.

Joachim Low heshiiska uu kula jiro qaranka wuxuu dhamaanayaa 2020, waxaana loo badinayaa in kadib koobka Aduunka uu faarujiyo garabkooda, Ivan Gazidis iyo sadexda xubnood oo kale hadii ay isla gartaan waxey ogeysiin doonaan wax walba Stan Kroenke iyo wiilkisia Josh si ay go’aankaas u meel mariyaan.

Waqooyiga London isbadal ayaa laga fili doonaa bartamaha sanadkaan, waxaana la is tusay in 20-sano in ka badan xukunkii ahaa ee Gunners lagu maamulayay uu soo dhaman karo.