Home Suuqa Kala Iibsiga miyuu jiraa tababare shaqada ka badali doono Wenger markuu dhamaado xilli ciyaareedkaan...

miyuu jiraa tababare shaqada ka badali doono Wenger markuu dhamaado xilli ciyaareedkaan asiga ayaa ka jawaabayo?

352
0
SHARE

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa si weyn loo filayaa in uu isaga tagi doono shaqada kooxda Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib qaab ciyaareed aad u liita oo ay kooxdu soo bandhigtay xilli ciyaareedkan.

Shaqada taabbaranimo ee Arsenal ayaa lala xiriirinayaa tababarayaal badan oo reer yurub ah iyada oo haatan cadaadisku ku sii kordhayo tababaraha reer France.

Tababaraha Juventus Massimiliano Allegri ayaa diyaar u ah inuu aqbalo shaqada Arsenal haddii uu Arsene Wenger ka tago xagaagan, sida ay qortay The Sun.

Sida laga soo xigtay wargayska The Sun 50 jirka reer Italy ayaa isha ku haya in uu u dhaqaaqo Premier league waxana ay dhici kartaa bilowga xilli ciyaareedka dambe.

Wenger ayaa joogay kooxda Arsenal muddo 22 sano ah laakiin xilli ciyaareedkan ayaa noqon kara midkii ugu dambeeyay marka loo eego qaab ciyaareedka liita ee kooxda.

Allegri ayaa kooxda Juventsu kula jira heshiis ilaa 2020 ah laakiin waxa uu bilaabay barashada luuqada English-ka waxana uu ka mid yahay liiska ay Arsenal doonayso in ay ku badasho Wenger hadii uu ka tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Tababaraha reer Italy ayaa Juventus ka caawiyay in ay laba final oo champions league ah gaarto muddo saddex sano gudohooda ah halka uu sidoo kale ku guulaystay koobabka Serie A iyo Coppa Italia.

Todobaadkan Allegri ayaa qanciyaya Arsenal kadib markii uu kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee Tottenham ku reebay garoonkooda kulan ka tirsanaa champions League.