Home Suuqa Kala Iibsiga Man United oo Jesse Lingard dadaalkiisa ku abaal marin doonto heshiis cusub

Man United oo Jesse Lingard dadaalkiisa ku abaal marin doonto heshiis cusub

379
0
SHARE

Jesse Lingard ayaa kooxdiisa Man United heshiis cusub ka heli doono ayadoo 11-bilood ka hor wiilkan dhalinta yar qandaraas dheer laga saxiixay.

Macalin Jose Mourinho ayaa maamulka Man United ka dalbaday in Jesse Lingard heshiis cusub laga saxiixo mushaarkana loo kordhiyo madaama uu bandhig wacan sameenayo.

Jesse Lingard ayaa xili cayaareedkan 13-gool u dhaliyay Man United dhamaan tartamada kala duwan asigoo noqday xidig United muhiim u ah kulamada waa weyn.

Jesse Lingard oo 25-jir ah hadda wuxuu garoonka Old Trafford ka qaataa £75,000 waxaana mushaarkiisa dhawaan laga dhigi doonaa £100,000 todobaad walbo.

Lingard asigoo 7-jir ah ayuu Man United kusoo biiray wuxuuna saxiixay heshiis afar sano cusub April sanadkii hore hadana sanado dheeraad ah ayuu ku dari doonaa.