Home Wararka Maanta Kooxda Arsenal Oo Khal-Khal Ku Riday Taageerayaasheeda Una Sheegtay In Xiddig Kaarka...

Kooxda Arsenal Oo Khal-Khal Ku Riday Taageerayaasheeda Una Sheegtay In Xiddig Kaarka Cas Loo Taagay Xiddig Kulanka Watford Xitaa Isaga Oo Aan Bilaabmin

530
0
SHARE

Taageerayaasha Kooxda Arsenal ayaa madaxa xoqday dawakhaad darteed kadib markii kooxda Arsenal u dirtay fariin ah in kaarka cas loo taagay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Shkodran Mustafi kulanka Watford ka hor intii ayna xitaa ciyaartu bilaabmin.

Mariinta sare ayaa u oqrnayday “Mustafi ciyaarta ayaa laga saaray(0)”, arintaas aya dawakhaad iyo wareer iyo waliba baqdin ku keentay taageerayaasha kuwaas oo ka naxay in ay ciyaartii ka hor bilaabantahay waliba ka sii naxay in ay daqiiqadihii ugu horeeyay ee ciyaartaba xiddig casaan looga saaray oo ay 10 xiddig ku ciyaarayaan.

Arsenal ayaa si deg-deg ah khalad u aragtay hadana dawakhaad kale ku sii riday iyaga oo yiri” cadayn: Shkodran Mustafi ayaa ciyaarta kaarka cas looga saaray, ka hor kulanka Watford ee maanta”.

Taageerayaasha Gunners ayaa baraha bulshada isugu gudbisay sawirkaas iyaga oo rajaynaya in ay jiraan taageerayaal kale oo fariinta noocaas ah oo kale helay.

Taageerayaal badan ayaa u qaatay in ay u badantahay in xiddiga kaarka cas loo taagi doon kulanka ay Arsenal Emirates kula ciyaarayso Watford.

Laakiin Nasiib wanagaa fariintii ayaa si kale u dhacday iyada oo saamayn fiican ku yeelatay waliba ay ku farxeen taageeryaaasha kooxda Arsenal.

Halkii uu xiddigu khalad ku gali lahaa xiddig kale oo kooxda kale ah daqiiqadihii ugu dambeeyay kaarka casna ku bixi lahaa ayuu Mustafi goolka 1-aad u dhaliyay kooxdiisa.