Home Wararka Maanta Kooxda AC Milan oo doonaysa inay adkayso khadkeeda dhexe (Imisa laacib ayay...

Kooxda AC Milan oo doonaysa inay adkayso khadkeeda dhexe (Imisa laacib ayay doonaysaa?)

303
0
SHARE

Kooxda AC Milan ayaa la sheegayaa inay xiisaynayso laacibka khadka dhexe ee Arsenal ee Jack Wilshere, iyadoo uu 26-jirkani safnaa ciyaartii ay Gunners 2-0 ku dubatey Rossoneri 2-0 ee Europa League oo kooxda Milan u muuqatey koox marka khibrad la’aanta laga soo tago weli u baahan in ay is xoojiso, gaar ahaan khadka dhexe.

Gattuso oo gartay halka ay cilladdu ka haysato ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu ku taamayo Kevin Strootman, oo ah laacib khibrad, farsamo iyo xoogba kusoo biirin kara shaxda Milan ee 4-3-3, wuxuuna kooxdiisa Roma kula jiraa qandaraas jiraya ilaa Juun 2022, iyadoo heshiiskaa lagu fasiqi karo 45 milyan oo euro wixii ka horreeya 31-ka Luulyo.

Waxa kale oo Milan lala xiriirinayaa laacibka khadka dhexe ee Barcelona ee André Gomes, kaasoo uu qandaraaskiisu dhacayo Juun 2021, isla markaana lagu heli karo adduun dhan 35 milyan oo euro, waana markii 2-aad oo laacibkan lala xiriiriyo tan iyo markii uu iibsadey Yonghong Li.

Dhanka kale, Milan ayaa la sheegayaa in kaddib Strinic iyo Reina oo ah daafac iyo goolwale kusoo biiraya xagaaga, ay misna qarka u saaran tahay laacibka khadka dhexe ee kooxda Swansea iyo K. Kuuriya Ki Sung-Yueng, sida uu qorayo wargayska Tuttosport. 29-jirkan ayaa ka dheeli kara boos kasta oo khadka dhexe ah. Heshiiska ayaa lasoo afjarayaa dhamaadka bishan.