Home Suuqa Kala Iibsiga Jack Butland oo lala xiriirinaayo kooxda Liverpool.

Jack Butland oo lala xiriirinaayo kooxda Liverpool.

400
0
SHARE

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay sii kordheyso kalsoonida ay u heysto inay heshiis la gaarto goolhayaha Stoke City Jack Butland xagaaga oo qiimihiisu yahay 40 milyan ginni.

Sida laga soo xigtay John Richardson oo ka tirsan Sunday Mirror, Arsenal ayaa sidoo kale xiiseyneysa 24 jirkaan, laakiin Butland ayaa sheegay inuu doorbidayo inuu u wareego Anfield, halkaasoo uu doonaayo inuu ka hoos ciyaaro hogaaminta Jurgen Klopp.

Sida lagu xusay warbixinta, khidmadda Goolhayaha ayaa laga yaabaa inay noqoto lacagta rikoodhka aduunka ee laga bixiyo goolhaye. Goolhayaha ugu qaalisan hada waa Ederson oo lacag dhan £ 34.7 milyan ay Manchester City kaga soo iibsatay Benfica ka hor xilli ciyaareedkan.

“Liverpool oo sidoo kale xiiseyneysay gooldhaliyaha reer Brazil ee Alisson ayaa go’aansatay in khibrada Butland ee horyaalka Premier League ay kaa faa’ideystaan ” ayuu yiri Richardson.

Inkastoo Stoke ay qaab ciyaareed xun ku jirto xilli ciyaareedkan, iyadoo hada fadhida kaalinta 19aad madaama ay la ciyaarayaan City Isniintii.

Butland ayaa ahaa ciyaaryahan joogta ugu ciyaara kooxda. Run ahaantii, tababare Paul Lambert ayaa si cad u qeexay xiddiga heerka caalami ee England awooda uu leeyahay.

Butland wuxu u taagan yahay fursado jahawareer ah oo dhinacyo badan ah, maxaa yeelay wuxuu awood u leeyahay inuu helo ikhtiyaar sugan oo saldhig u ah kooxda uu ku biirayo ee Liverpool ama inuu joogo kooxdiisa.