Home Wararka Maanta HALOO DIGO MESSI: CR7 wuu soo laabtay wuxuuna isha ku hayaa hanashada...

HALOO DIGO MESSI: CR7 wuu soo laabtay wuxuuna isha ku hayaa hanashada abaalmarinta gooldhalinta La Liga ee Pichichi

329
0
SHARE

Real Madrid ayaa markale kalsooni ku ciyaartay kulankii ay Sabtidii guusha ka gaartay kooxda Eibar, Cristiano Ronaldo ayaana laba gool dhaliyey ciyaartaas, taasoo ka dhigan inuu haatan isha ku hayo abaalmarinta gooldhalinta horyaalka Primera Division ee Pichichi award.

Ronaldo ayaa haatan 14 gool dhaliyey 8diisii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka La Liga, marka lagu daro labadiisii gool ee Sabtidii.

Kabtanka xulka Portugal ayaa u sheegay asxaabta ay isku kooxda yihiin inuu doonayo inuu ku guuleysto gooldhalinta horyaalka La Liga inkastoo Lionel Messi uu fagtii hore ee horyaalkaba hogaanka la wareegay.

Ronaldo waa ay ka jajabneyd qeybtii koowaad ee xilli ciyaareedkaan, qaab ciyaareedkiisa oo liitay, ganaax iyo dhaawacyo ayaana ugu wacnaa, balse haatan kalsoonida Ronaldo dib ayey uso laabatay, isaga ayaana hogaamiye u ah Los Blancos.

Hadda lix gool ayuu ka dambeeyaa Messi marka ay timaado gooldhalinta horyaalka La Liga. Xiddigii hore ee kooxda Manchester United ayaa min laba gool ka dhaliyey kooxaha Deportivo La Coruna, Valencia, Alaves, Getafe iyo Eibar, halka uu seddaxleey ka dhaliyey kooxda Real Sociedad ciyaarihii ugu dambeeyey ee La Liga.

Keliya Levante ayaana shabaqa ka ilaashatay Ronaldo tan iyo markii uu kusoo laabtay qaab ciyaareedka wanaagsan, sidoo kale Ronaldo iyo Messi ayaa haatan wadaleh min 33 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkaan, maadaama uu Ronaldo qaab ciyaareed wanaagsan kusoo bandhigay tartanka UEFA Champions League.