Home Wararka Maanta Half Time: Arsenal oo ka gacan sarreysa Watford oo marti u ah,...

Half Time: Arsenal oo ka gacan sarreysa Watford oo marti u ah, xilli Mustafi uu shabaqa tagay kulanka ka socda Emirates… + SAWIRRO

221
0
SHARE

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ka gacan sarreysa naadiga Watford kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Gunners ayaa 1-0 ku hoggaaminaysa Watford kulanka horyaalka Ingiriiska ee ka socda garoonka Emirates.

Bilowgii ciyaarta daqiiqaddii 8’aad kooxda Arsenal ayaa hoggaanka ku qabatay ciyaarta kaddib markii laad xor ah oo uu garab ka soo qaaday Mesut Ozil uu madax ku dhaliyey Shkodran Mustafi.

Inkastoo fursado cajiib ah uu Wiilasha Watford ka beeniyey goolhayaha Gunners ee Petr Cech, sidoo kalena Ozil ayaa laga badbaadiyey kubbad uu ula tagay goolhayaha oo ay Arsenal ciyaarta uga dhigi kartay 2-0, si kastaba kulanka ayaa lagu kala nastay 1-0 ay 45-daqiiqo ee hore ku hoggaaminayso kooxda martida loo yahay ee Arsenal.

Arsenal ayaana sidaas ku dhalisay goolkii kumaad (1000) ee garoonkeeda horyaalka Premier League.

La soco natiijada qeybta labaad ee ciyaarta Inshaa Allaah…

SAWIRRO: