Home Wararka Maanta FALLANQEYN: Saddex Qalad Oo Sameysay Liverpool Kulankii Guul darrada Kasoo Gaartay Manchester...

FALLANQEYN: Saddex Qalad Oo Sameysay Liverpool Kulankii Guul darrada Kasoo Gaartay Manchester United

409
0
SHARE

Liverpool ayaa 2-1 uga badisay Manchester United ciyaar ka dhacday Old Trafford, taasoo fursad u aheyd in ay ka saramaraan kooxda ay ku xafiiltamaan Premier League ee Liverpool.

United ayaa si fiican kaga difaacatay Reds laba gool oo qeybta hore ee ciyaarta ka timid Marcus Rashford.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa lagu kala nastay 2-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida loo ahaa, laakiin kooxda ka dhisan Merseysid ayaa rajo yar soo gashay markii uu si qaldan gool isaga dhaliyay Eric Bailly.

Inkastoo cadaadis la saaray ay saareen United Sadio Mane, Roberto Firmino iyo Mohamed Salah haddana waxaa suurta gashay in ay si rasmi ah u dagaan kaalinta labaad ee horyaalka Premier League.

Haddaba kadib ciyaaarta waxaa la is weydiinayaan waxa ka qaladanaa kooxda Liverpool kulankii ay guul darrada kala kulmeen Manchester United.

# 1 Maqnaanshaha awooda Mohamed Salah

Natiijada sawirka Salah and Young

Sida Scott McTominay u joojiyay Eden Hazard laba isbuuc ka hor, Manchester United ayaa markale la timid istiraatiijiyad taa lamid ah oo ay ku lumisay awooda Mohamed Salah.

Mar kale Jose Mourinho ayaa soo bandhigay awood uu ku lumin karo khatarta ciyaartooyda muhiimka ah ee kasoo horjeeda kooxdiisa.

Salah ayaa wadar ahaan 34 jeer kaliya taabtay kubadda kulankii Manchester United, waxaana uu ku guul darreystay lix jeer oo uu isku dayay inuu gool dhaliyo.

Fursadiisii ugu fiicneyd waxa ay aheyd markii daqiiqadii ugu dambeysay ciyaarta uu dayaca kubad uu gool barbaro ah iyo hal dhibic ugu keeni lahaa kooxdiisa.

Xididga Masaarida ayaa dhameystiray 72% oo ka mid ah baasaskii uu sameeyay, laakiin kaliya hal jeer ayuu baas sax ah ku sameeyay sanduuq ganaaxa.

United ma aysan u ogolaanin xoriyad Mo Salah maadaama daafacyada kooxda ay ilaalo gaar ah ka hayeen kaliya xiddiga Liverpool.

Mohamed Salah wax gabis ah ma sameyn, mana abuurin fursado halis ah, isagoo heerka qiimeynta garoonka ku helay 5.80.

Shaqo laga soo wada fakiray waxaa fuliyay Ashley Young kaasoo cagta cagta u saaray xiddiga garabka Liverpool Salah.

# 2 Daciifnimada Daafaca Liverpool oo Markale Soo Baxday

Fikirka Tababaraha Manchester United wuxuu ahaa mid ku dhisan weerar qeybta 1aad kaliya ku koobnaa, Taas ayaana aheyd in David de Gea ilaa weerarka kooxda si wada jir ah u shaqeeyaan.

Waxa ay si fiican u shaqeyneysay Red Devils qeybta hore ee ciyaarta, iyadoo goolhaye De Gea iyo Romelu Lukaku kawada shaqeeyeen goolka uu dhaliyay Marcus Rashford.

Istaraatijiyad ballaaran ee wadista kubada ayaa loo isticmaalay shaxda Jose Mourinho qeybtii hore ee ciyaarta, taasoo keentay in ay dhibaato weyn u geystaan daafaca Reds.

Virgil van Dijk iyo Dejan Lovren ayaa waqti adag ku qaatay garoonka, iyadoo xakameyn waayay weerarka United, gaar ahaan Lukaku.

# 3 Falsafada lagu keenay garoonka Alexander Arnold

Manchester United v Liverpool – Premier League

Trent Alexander Arnold ayaa booska daafaca midig kusoo bilaawday, waxaana uu ahaa mid u ogolaaday Marcus Rashford inuu dhaliyo laba gool oo muhiim u ahaa Manchester United.

19 jirkaan ayaa waqti adag ku qaatay kulankiisii ugu horeeyay ee uu ku ciyaaro Old Trafford, isagoo ka horyimid United iyo xajmiga awooda iyo farsamada ku dhisan ee Alexis Sanchez.

Waxa uu sameeyay labo qalad, mar kubada ayuu lumiyay mana awoodin inuu ku guuleysto difaacasho badan, iyadoo taas ay keentay in la bedelo daqiiqadii 79aad.