Home Wararka Maanta DEG-DEG: Man City Oo Warbixin Caafimaad Ka Soo Saartay Dhaawac Sergio Aguero...

DEG-DEG: Man City Oo Warbixin Caafimaad Ka Soo Saartay Dhaawac Sergio Aguero Ku Soo Gaadhay Tababarka Kooxdiisa, Nooca Dhaawaca Iyo Waqtiga Uu Maqnaan Karo.

603
0
SHARE

Kooxda Manchester City ayaa warbixin caafimaad ka soo saartay dhaawac xarunta tababarka kooxdeeda ku soo gaadhay gool dhaliyaha ree Argentina ee Sergio Aguero kaas ugu yaraan kulanka Stoke City seegaya. Manchester City ayaa warbixinteeda caafimaad ku xaqiijisay in Aguero aanu haysan fursad uu ugu ciyaari karo kooxdeeda kulanka Stoke City ee horyaalka Premier League.

Dhaawaca Sergio Aguero ayaa imanaya waqti uu Gabriel Jesus si buuxda garoomada ugu soo laabtay taas oo Guardiola siinaysa fursad fiican oo aanu si wayn ugu dhibtoon cida weerarka kooxdiisa ka ciyaaraysa balse iyada oo la galay waqti muhiim ah ayuu u baahnaa in Aguero uu kooxdiisa ku haysto.

Warbixinta ay hadda Man City ka soo saartay xaalada Aguero ayaa lagu yidhi: “Sergio Aguero waxa uu seegi doonaa kulanka habeenimada isniinta ee Premier League ee safarka Stoke. Gool dhaliyaha ree Argentina waxa usbuuc dhamaadka tababarka ku soo gaadhay dhaawac jilibka ah waana la qiimayn doonaa”.

Qoraalka Manchester City ayaa la sii raaciyay: “Waxaanu Aguero u rajaynaynaa soo kabsasho deg deg ah”. Laakiin Mnachester City ayaan muddo gaar ah u qaban in Aguero uu ku soo laaban karo balse sida la ogyahay dhaawaca jilibka ayay ku xidhan tahay sida uu xidigani uga soo kabsado iyo inta uu leeg yahay dhaawaca soo gaadhay.

Manchester City ayaa qiimayn doonta xaalada Sergio Aguero iyada oo haddii loo baahdo la marin doono baadhitaano dheeraad ah laakiin waxa ahubaal ah in uu seegayo kulanka Stoke City waxaana la arki doonaa kadib kulanka Stoke qiimaynta uu Guardiola ka bixin doono.

Sergio Aguero ayaa si toos ah ugu tartamayay kabta dahabka ah ee gool dhalinta Premier league inkasta oo uu min saddex gool ka hooseeyo Mohamed Salah iyo Harry Kane. Waxay hadda u muuqataa in dariiq kastaaba u ku gaynayo Mohamed Salah oo uu noqon karo xidiga hadda haysta fursada ugu fiican ee uu ugu guulaysan karo Golden bootka kadib dhaawac halis ah oo soo gaadhay Harry Kane iyo in Serguero laftiisu uu dhaawac noqday.

Harry Kane ayaa dhaawac looga saaray kulankii ay Spurs guusha wayn ka soo gaadhay Bournemouth wuxuuna macalinka Spurs sheegay in Kane uu soo gaadhay dhaawac la mid ah kii uu labada bilood la maqnaa ee canqowga ka soo gaadhay.