Home Wararka Maanta Daawo Sawirada Fiorentina oo kulankeedii koowaad Cayaartay kadib geeridii Davide Astori iyo...

Daawo Sawirada Fiorentina oo kulankeedii koowaad Cayaartay kadib geeridii Davide Astori iyo Sagootin layaab leh oo ay u sameeyeen

568
0
SHARE

Kooxda kubada cagta ee Fiorentina ayaa markii ugu horeysay kadib geerida kabtankooda ciyaareysa kulan kubada cagta ah.

Kulamada horyaalka Serie A laga ciyaari doono todobaadkan, ayaa la filayay in ay dhacaan todobaadkii hore, laakiin geeri lama filaan ah oo ku timid kabtankii Fiorentina Astori ayaa sabab u noqotay in dib loo dhigo ciyaarihii ka qorsheysnaa Serie A.

Stefano Pioli oo ah tababaraha kooxda Viola lagu naaneyso ee Fiorentina wuxuu maanta sheegay in ay xaalad adag in kooxdiisa markii ugu horeysay ay ciyaareyso iyadoo tabeyso Astori oo ahaa hoagamiye dabiici ah.

Kooxda uu ka tirsanaa Astori ayaa ka hor kulankooda Benevento, ka tacsiiyay geerida kabtankeedii oo mudo yar kooxda hogaaminayay.

Xidig walba oo ka tirsan Viola ayaa tababarka kooxda waxa uu ku sameeyay maaliyad dhabarka danbe looga soo xardhay magaca kabtankii kooxdooda oo ah Astori, sidoo kale kulankooda Benevnto ayaa loo ogolaaday xidigaha Fiorentina in ay ku ciyaaraan maaliyad dhabarka looga xardhay magaca kabtankii geeriyooday.

Ciyaartii  Benevento iyo Fiorentina ayaa  la hakiyay daqiiqadii 13-aad oo ku began lambarka Astori uu u xiran jiray kooxda ku ciyaarta Stadio Artemio Franchi.

Kumanan mucaashaqiinta kubada cagta Talyaaniga ah ayaa ka soo qeyb galay kulankaasi, iyagoo muujiyay dareenkooda ku aadan geerida kabtankii Fiorentina Davide Astori,