Home Suuqa Kala Iibsiga DAAWO: Mark Noble Oo Xalay Feer Iyo Laad La Dhacay Mid Kamid...

DAAWO: Mark Noble Oo Xalay Feer Iyo Laad La Dhacay Mid Kamid Ah Jamaahiirta West Ham

182
0
SHARE

Mark Noble ayay isku dhaceen mid ka mid ah taageerayaashiisa oo isagoo qaylo-dhaaminaya soo galay garoonka kulankii West Ham guuldarro 3-0 ah kasoo gaartay Burnley.

Baaritaanka ay wadaan xiriirka FA-da ayaa socota, halka kulan degdeg ah loo yeeray milkiilayaasha West Ham David Sullivan iyo David Gold kuwaasoo ku guuldarreystay inay ciyaarta ka badbaadiyaan rabshado ay sameynayeen taageerayaaashooda.

Taageerayaasha West Ham ayaa diirada saarayay in ay joojiyaan ciyaarta, iyagoo markasta kasoo boodayay sanduuqyada agaasimaha kooxda.

West Ham waxaa lagu hogaaminayay goolal ka yimid Ashley Barnes iyo Chris Wood markii ay jamaahiirteeda bilabeen rabshada keenay in muddo la joojiyo kulanka.

Hal taageere oo garoonka soo geliyay ayaa waxay isku dhaceen kabtanka kooxda Noble, ka dibna waxaa dhacday in goolhaye Joe Hart Laba taageerayaal oo kale garoonka ugu soo galaan.

HALKAAN KA DAAWO RABSHADA GAROONKA