Home Suuqa Kala Iibsiga Crystal Palace Oo dooneysa inay iska iibiso Christian Benteke.

Crystal Palace Oo dooneysa inay iska iibiso Christian Benteke.

294
0
SHARE

Crystal Palace ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay iska iibiso Christian Benteke oo koox ka dhisan horyaalka heerka labaad ee dalka Shiinaha laga iibiyo dhamaadka xilli ciyaareedka, iyadoon loo eegin haddii ay ku sii jirayaan heerka 1-aad ee horyaalka.

27 jirkaan ayaa dhaliyay 17 gool oo Premier League ah tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda Selhurst Park ku ciyaarta isagoo kaga soo biirey Liverpool aduun lacageed gaaraya £ 27m heshiis labo sanno ah.

 

Benteke ayaa sheegay inuu doonayo inuu u dhaqaaqo si uu u soo nooleeyo xirfadiisa ciyaareedka soo socda, sida laga soo xigtay jariiradda The Sun, wakiilada weeraryahanka ayaa ku jira habka ay u raadin lahaayeen fursado fiican oo ku aadan Bariga dhexe.

Palace ayaa ku farxi doonta inay 20 milyan ginni ku hesho xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium, kaasoo fursad u heysta inuu ku soo jiito ciyaartoy kasta oo mustaqbalka leh xagaaga Koobka Aduunka ee Russia.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Benteke uu haatan qaato £ 90,000 todobaadkii , laakiin mushaharkiisa ayaa laga dhimi doonaa £ 50,000 haddii Palace ay hoosa uga dhacdo Horyaalka.