Home England Chelsea Oo Stamford Bridge Ku Garaacday Kooxda Crystal Palace, Antonio Conte Oo...

Chelsea Oo Stamford Bridge Ku Garaacday Kooxda Crystal Palace, Antonio Conte Oo Ka Soo Kabsaday Bahdilaadii Etihad Stadium Iyo Blues Oo Hamigeeda Kaalinta Afraad Sare U Soo Qaaday.

185
0
SHARE

Chelsea ayaa guul muhiim ah Stamford Bridge kaga gaadhay kooxda Crystal Palace waxayna Blues dib ugu soo laabtay tubta guusha kadib waqti aad u adag oo ay soo martay. Willian ayaa goolka furitaanka u dhaliyay Blues halka goolka labaad uu ahaa mid uu iska dhaliyay difaaca Palace ee Martin Kelly.

Daqiiqadihii ugu danbeeyay ee ciyaarta ayay Crystal Palace heshay goolka soo daahay ee ay ciyaarta wax kaga badli kartay haddii uu xili u hore iman lahaa waxaana  goolkan u dhaliyay van Aanholt  waxayna Chelsea guushan ku gaadhay 2-1 iyada oo guushani Chelsea ka caawisay in ay laba dhibcood u soo jirsatay Tottenham oo aan wali kulankeeda ciyaarin halka afar dhibcood ay ku soo yaraysay farqigii kaalinta saddexaad ay jirtay kadib guuldaradii Liverpool ka soo gaadhay Man United.

Chelsea ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo si wayn ugu baahnayd in ay tubta guusha ku soo laabto kadib ceebtii iyo waji gabixii ka soo gaadhay kulamadii la soo dhaafay, wuxuuna Antonio Conte doonayay in kooxdiisu ay dib u soo dhisto kalsoonidii ka luntay ka hor inta ayna Camp Nou ku booqan Barcelona.

DAQIIQADII 25 AAD Willian ayaa halkiisa ka sii watay gool dhalintii cajiibka ahayd ee uu ku soo jiray wuxuuna noqday xidiga jabiyay ismari waagii ciyaarta ee waqtiga badan sii qaadanayay isaga oo si fiican u dhamaystiray kubbad caawin uu ka helay Kante, wuxuuna xidiga ree Brazil ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Blues hogaanka ku qabtay.

Wuxuu ahaa goolkii shanaad ee uu Willian ka soo dhaliyay shantii kulan ee ugu danbeeyay oo ay ka mid yihiin goolashii uu Manchester United iyo Barcelona uu ka soo dhaliyay wuxuuna si cad u muujiyay sababta uu booskiisa xaq ugu leeyahay in uu joogto noqdo.

DAQIIQADII 32 AAD Chelsea ayaa heshay goolkeeda labaad waxaana kooxdiisa Crystal Palace musiibo kale ku sii noqday difaaca Martin Kelly oo iska dhaliyay goolka labaad ee Blues kadib markii ay kubbad soo wada ciyaareen saddexda xidig ee kala ah Willian, Eden Hazard iyo Davide Zappacosta waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Chelsea goolka labaad ee kalsoonida ku heshay.

DAQIIQADII 45 AAD Xariiqda goolka ayaa laga soo celiyay kubbad uu Giroud ku dhalin lahaa goolka saddexaad ee ay Chelsea ciyaarta hurdada ugu diri kartay waxaana Palace markan badbaadiyay Tomkins kaas oo gool cadaan ah ka joojiyay.

Qaybtii hore ee kulankan ayay Chelsea ahayd kooxda si buuxda natiijada ciyaarta u maamulaysay iyada oo dhibaato badan ku abuurtay Crystal Palace. Chelsea ayaa 7 darbo ku gantay goolka Crystal Palace qaybtii hore oo kaliya halka 4 kale ay bartilmaameedka seegeen laakiin Crystal Palace ayaa qaybtii hore ku fashilantay in ay hal bartilmaameed oo goolka Chelsea ah samayso.

Si kastaba ha ahaatee, qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid si buuxda ay Chelsea gacanta sare u lahayd isla markaana ay Crystal Palace ayna wax saamayn ah yeelan waxaana lagu kala nastay 2-0 ay Blues guul ugu taagnayd.

Markii layskugu soo laabtay labada ujeedo ee Chelsea iyo Crystal Palace ayaa ahaa kuwo gabi ahaanba kala duwan waxayna Palace doonaysay sidii ay iskaga soo celin lahayd labada gool ee ay Chelsea hogaanka ku haysay halka kooxda Blues ay raadinaysay goolka saddexaad ee ay ciyaarta ku dili lahayd.

DAQIIQADII 47 AAD Birta Goolka!, Crystal Palace ayaa ugu dhawaatayin ay keensato goolka ay ciyaarta ugu soo laaban kartay kadib markii uu Christensen ku fashilmay in uu joojiyo Sorloth  kaas oo darbo ku tuuray goolka Blues laakiin waxa uu arkay darbadiisa oo birta goolka ku dhacday.

Chelsea ayaa heshay fursado fiican oo ay kula iman kartay goolka labaad iyada oo Willian uu ahaa xidiga wali halista ugu badan ku abuurayay goolka Palace, laakiin Blues ayaa iska lumisay fursada ay ciyaarta isaga dili kartay.

DAQIIQADII 67 AAD Birta Goolka!, Chelsea ayay markeeda birta goolkku ka beenisay in ay shabaqa Crystal Palace gaadhao kadib markii si qurux badan ay kubbad u soo dhiseen Willian, Hazard iyo Marcos Alonso laakiin xidiga ay kubbadu ugu danbaysay ee dhamaystirka samayn lahaa oo Giroud ahaa ayaa arkay birta goo mincaarad markiisa ku noqotay.

DAQIIQADII 70 AAD Antonio Conte ayaa kaydka ka soo kiciyay xidiga qaab ciyaareedkiisii fiicnaa lumay ee Alvaro Morata waxaana ciyaarta laga saaray Olivier Giroud  oo wax qabadkiisii ugu danbeeyay uu ahaa birta uu u garaacay Palace.

DAQIIQADII 90 AAD Crystal Palace ayaa la timid gool xiligii uu saamaynta buuxda yeelan lahaa ka soo daahay waxaana gool ka soo celiyay kooxda martida ahayd van Aanholt  kaas oo kubbad caawin uu ka helay Zaha shabaqa ku gaadhay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1 ay wali Blues hogaanka ciyaarta ku hayso.

Haddii ay Crystal Palace xili hore goolkan heli lahayd waxa uu dhibaato ku noqon lahaa Chelsea oo isla markiiba ay Palace culayska ku saartay in ay raadiso goolka labaad balse waqtiga ayaa ahaa mid aan wax fursad ah u siin Palace in ay sii dagaalanto waxayna ciyaartu ku dhamaatay 2-1 ah Chelsea guul dahabi ah ku gaadhay.