Home Suuqa Kala Iibsiga AC Milan oo kula tartameyso saxiixa xidiga Roma khadka dhexe u maamulo...

AC Milan oo kula tartameyso saxiixa xidiga Roma khadka dhexe u maamulo kooxaha Liverpool iyo Man United

363
0
SHARE

Maamulka AC Milan oo suuqa Yurub wakiil uga yahay Massimiliano Mirabelli waxay isha ku hayaan Kevin Strootman oo naadiga AS Roma khadka dhexe u maamulo.

Kevin Strootman qandaraaskiisa waxaa lagu jebin karaa 45-milyan oo euro ah ilaa 31 July 2018 waana qiimo lacageed oo ay Milan bixin karto.

Milan ayaa dooneyso Kevin Strootman inay kusoo jiidato mushaar heer sare ah madaama kooxaha Man United iyo Liverpool wakiilkiisa ku qal qaalinayaan xidigaan inuu Premier League soo aado xagaagan.

Tutosport ayaa qortay in Roma iska iibin doonto Kevin Strootman hadii ay ku guul dareestay ka mid noqoshada 4-naadi ugu sareyso xili cayaareedkan ee Champion-ka usoo bixi doonaan ayagoo lacag u baahan.

Kevin Strootman oo 28-jir ah sanadii 2013 ayuu PSV isaga soo tagay wuxuuna ilaa haatan Roma u cayaaray 124-kulan dhamaan tartamada duwan 13-goolna wuu u dhaliyay.