Home Champions League Waxyaabihii Laga Diiwaan Geliyay Kulamadii Xalay Ee Champions League -ga

Waxyaabihii Laga Diiwaan Geliyay Kulamadii Xalay Ee Champions League -ga

454
0
SHARE

Waa Guuldaradii ugu weyneyd ee Kooxda feyenoord ka soo gaarta tartamada Yurub.

John Stones ayaa ah daaficii ugu horeeyay ee Man City oo Labo mar shabaqa  soo taabtay Kulan Champions League-ga ah.

Christian Eriksen ayaa sameyay 20 caawin dhammaan tartamada 2017 ka  in ka badan ciyaaryahan kasta oo ka Ciyaara 5ta Horyaal ah ee waaweyn.

Cristiano Ronaldo ayaa ah Hada xidiga kaliga ee Goalasha ugu badan oo Goal ku laad ah ka dhaliyay tar-tanka Champions league-ga waana 12Goal halka Messi uu leeyahy 11 Goal.

Roberto Firmino waa ciyaaryahankii 1aad ee Liverpool oo rigoore ka qasaariyay Champions League tan iyo Steven Gerrard kulanka ay la ciyaareen  Marseille (Dec 2007).

Mohamed Salah waa ciyaaryahankii ugu horeeyay oo Maasari ah kaas oo ka dhaliyay Champions league-ga Goalal laba kooxood oo kala duwan Basel & Liverpool.

Harry Kane waa ninkii ugu horeeyay ee British ah tan iyo markii uu Wayne Rooney 2010 uu dhaliyay seddex kulan oo isku xigta Goalal Champions League.

Gabriel Jesus waa ciyaaryahankii 4aad ee gool dhaliya kulankiisii ​​ugu horeysay ee Champions League ee Man City (sida Balotelli, Kolarov & Nolito)

Cristiano Ronaldo ayaa 12 gool u dhaliyay Real Madrid 16kii kulan ee ugu danbeysay ee uu saftay.

Roberto Firmino waa ciyaaryahankii 6aad ee gool u dhaliya kulankiisii ​​ugu horeya Cahmpions league-ga  Liverpool
(sida Owen, Litmanen, Cissé, Morientes iyo Balotelli)

Spurs ma aysan ilaashan shabaqeeda 11kii kulan ee ugu danbeysay ee Wembley, tan iyo markii ay barbaro goolal la’aan ah la galeen Man Utd 2009kii finalka League Cup.

Liverpool ayaa ku guuldareysatay inay shabaqa ilaashato
11 ka mid ah 12kii kulan ee ugu danbeysay ee Champions League-ga.

Heung-Min Son  ayaa dhaliyey 7 gool 9 kulan oo uu ka horyimid Borussia Dortmund.

Goolkii Man City ee 1:35 ka dib waa Goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa ee laga dhaliyo kooxda Feyenoord sidoo kale waa goola ugu dhaqsiyaha badan taariikhda Koobka Kooxaha Yurub.