Home Suuqa Kala Iibsiga Waa Kuwee Ciyaaryahanada Muslimiinta Ah Ee Ugu Qaalisan Premier League,Kooxde Ayaa Heeysata...

Waa Kuwee Ciyaaryahanada Muslimiinta Ah Ee Ugu Qaalisan Premier League,Kooxde Ayaa Heeysata Ciyaaryahanada Ugu Badan Oo Muslim Ah?

420
0
SHARE

Horyaalka Premier League ayaa la sheegaya inay joogan tiro badan oo ciyaaryahano heeysta diinteena Islaamka.
58 ciyaaryahano oo muslimiin ah ayaa ku sugan horyaalka ingiriiska, 9 ciyaaryahan waa weeraryahan, 34 ciyaaryahan waa khad dhexe, 14 ciyaaryahan waa daafac, halka 1 ciyaaryahan uu yahay goolhaaye.

 

kooxda ugu badan ee heeysata ciyaaryahano muslim ah waa kooxda Watford, waxay heeysata 6 ciyaaryahan.

Haddaba waa kee ciyaaryahanka ugu qaalisan Premier League oo muslim ah:

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Manchester United Paul Labile Pogba ayaa ah kan ugu qaalisan, wuxuu xiddigan reer france kaga yimid Unitedka kooxda Juventus adduun dhan £89 milyan.

xiddigii hore ee Juventus ayaa lacag rikoor ah kusoo galay daaqada kala iibsiga.

sidoo kale ciyaaryahanada kale ee ugu qaalisan horyaalka England ee Muslimka ah ayaa kala ah:

 

Sadio Mane, £35m

Mohamed Salah £34.3m
Shkodran Mustafi, £35M
Granit Xhaka, £30M
N’Golo Kanté, £30M
Islam Slimani, £29M
İlkay Gündoğan, £23M
André Ayew Pelé, £20M
Sofiane Boufal, £16M.
Ahmed Musa, £15M.