Home Suuqa Kala Iibsiga Theo Hernandez Oo Fursad U Helaya Inuu Muujiyo Wax Qabadkiisa Kulanka Beri...

Theo Hernandez Oo Fursad U Helaya Inuu Muujiyo Wax Qabadkiisa Kulanka Beri Ee Real Sociedad.

398
0
SHARE

Da`yarka kooxda Real Madrid Theo Henandez ayaa fursad u heeysta beri inuu muujiyo wax qabadkiisa, Real Madrid ayaa beri la ciyaaraysa kooxda Real Sociedad, waxaana kulankaas ganaax ku maqan Marcelo, waxaa sidoo kale macquul ah in booskaas uu ka ciyaaro Nacho Fernandez.

Zidane ayaa da`yarkan kala soo saxiixday kooxda Atletico Madrid, si uu booska Marcelo ugu tartamo, laakin Marcelo ayaa ah mid lagu kareenin booskas, oo todobadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay wuxuu aha mid xajista booskiisa.

hadii Theo uu ciyaaro kulankan waxay noqonaysa kulankiisi 3aad uu u ciyaaro kooxda Los Blancos, kulankiisii ugu horeeyay oo caalami ah waxa ahayd markii 15kii daqiiqo ee dambe uu ciyaaray kulankii Supercopa de Espana ee kooxda Barcelona.

Xiddigan ayaa kusoo biloowday kulankii ugu dambeeyay ee Real Madrid barbaro la gashay kooxda Levente, balse beri wuxuu jaanis u heeysta inuu kasoo dhalaalo booskas.